Bilowgii 20:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 12:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.
  • Bil 12:9 : 9 Kolkaasaa Aabraam socdaalay, isagoo weli xagga koonfureed u sii socda.
  • Bil 12:11-20 : 11 Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan, 12 oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan. 13 Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato. 14 Oo waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay. 15 Oo amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon. 16 Isaguna Aabraam si wanaagsan buu u qabtay iyada aawadeed: wuxuuna lahaa ido, iyo dibiyo, iyo dameerro lab, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo dameerro dhaddig iyo geel. 17 Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed. 18 Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii? 19 Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag. 20 Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.
  • 1 Sam 23:21 : 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.
  • Sab 64:5 : 5 Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
  • Fal 5:9 : 9 Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan.
  • Fal 7:3-5 : 3 oo wuxuu ku yidhi, Ka soo kac waddankaaga iyo dadkaaga, oo kaalay dalka aan ku tusi doono. 4 Markaasuu ka soo kacay dalkii reer Kaldayiin oo wuxuu soo degay Haaraan; oo markuu aabbihiis dhintay ayaa Ilaah meeshaas isaga ka soo wareejiyey oo keenay dalkan aad haatan deggan tihiin, 5 oo dhaxalna kama uu siin, xataa meel uu cagtiisa dhigo; laakiin wuxuu isaga ka ballanqaaday inuu dalka mulki u siiyo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba, in kastoo uusan dhal lahayn.
  • Cib 11:8 : 8 Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 20:9-12
    4 aayado
    83%

    9Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.

    10Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?

    11Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.

    12Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.

  • Bil 20:5-6
    2 aayado
    82%

    5Miyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga.

    6Oo Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.

  • Bil 12:11-13
    3 aayado
    79%

    11Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan,

    12oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan.

    13Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.

  • Bil 12:18-19
    2 aayado
    77%

    18Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

    19Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag.

  • Bil 20:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Ibraahimna meeshaas wuu ka sodcaalay oo wuxuu u kacay xagga dhulka Koonfureed, oo wuxuuna degay Qaadeesh iyo Shuur dhexdooda, qariib ahaan buuna Geraar u degay.

    2Ibraahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.

  • Bil 21:22-23
    2 aayado
    77%

    22¶ Waxayna noqotay wakhtigaas in Abimeleg iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ay la hadleen Ibraahim iyagoo leh, Ilaah waa kugula jiraa waxa aad samayso oo dhan.

    23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

  • Bil 26:9-10
    2 aayado
    76%

    9Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed.

    10Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd.

  • Bil 20:14-16
    3 aayado
    75%

    14Markaasaa Abimeleg wuxuu waday ido iyo dibiyo, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, oo wuxuu siiyey Ibraahim, naagtiisii Saarahna wuu u celiyey.

    15Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.

    16Saarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.

  • 27Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

  • 7Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

  • Bil 24:40-41
    2 aayado
    73%

    40Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

    41dabadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah;

  • 7oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd.

  • 12Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, waan ku baryayaaye, maanta i liibaani, sayidkayga Ibraahimna u roonow.

  • 8Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.

  • Bil 24:4-5
    2 aayado
    73%

    4laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

    5Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

  • 23Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?

  • Bil 24:37-38
    2 aayado
    72%

    37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

    38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

  • 14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

  • 45oo uu ka illoobayo wixii aad ku samaysay: dabadeedna waan kuu soo cid diri doonaa, oo halkaasaan kaa soo kaxayn doonaa. Maxaan labadiinnaba isku maalin idiin waayayaa?

  • 3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

  • 9Oo waxay ku yidhaahdeen, Meeday bilcantaadii Saarah? Markaasuu yidhi, Waa taa; teendhaday ku jirtaa.