Bilowgii 20:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 11:29 : 29 Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.
  • Bil 12:13 : 13 Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.
  • 1 Tes 5:22 : 22 Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 12:18-20
    3 aayado
    83%

    18Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

    19Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag.

    20Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.

  • 13Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.

  • Bil 20:2-5
    4 aayado
    83%

    2Ibraahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.

    3Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.

    4Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?

    5Miyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga.

  • Bil 26:9-10
    2 aayado
    77%

    9Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed.

    10Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd.

  • Bil 12:11-14
    4 aayado
    77%

    11Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan,

    12oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan.

    13Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.

    14Oo waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay.

  • 11Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.

  • Bil 24:36-38
    3 aayado
    74%

    36Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.

    37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

    38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

  • 7oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd.

  • Bil 24:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

    4laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

  • 20¶ Oo waxaa dhacay waxyaalahaas dabadood, in Ibraahim loo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, Milkah carruur bay u dhashay walaalkaa Naaxoor.

  • 11Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

  • 24Oo waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay.

  • 12Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow.

  • Bil 16:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar.

    2Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.

  • 29Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.

  • 71%

    11Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!

    12Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.

  • 2Oo aabbeheedna wuxuu yidhi, Sida runta ah waxaan mooday inaad nacday iyada, sidaas daraaddeed waxaan siiyey saaxiibkaa. Walaasheeda ka yari sow kama qurux badna? Haddaba waan ku baryayaaye, meesheedii ka qaado iyada.

  • 15Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

  • 21Wuxuuna degay cidladii Faaraan: hooyadiis baana dhulka Masar naag uga qaadday.

  • 5Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo.

  • 8Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.