6¶ Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.
7Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.
8Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa.
9Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.
10Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.