2 Samuu'eel 13:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Est 5:13-14 : 13 Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya. 14 Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.
  • Ish 3:9 : 9 Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
  • Yer 8:12 : 12 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
  • Miik 7:3 : 3 Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.
  • Luuk 12:32 : 32 Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.
  • Laaw 18:9 : 9 Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba.
  • Laaw 20:17 : 17 Oo haddii nin kaxaysto walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis, oo uu cawradeeda arko, oo iyana ay cawradiisa aragto, taasu waa wax ceeb ah, oo iyaga waa in dadkooda hortiisa laga gooyaa, waayo, isagu wuxuu qaawiyey cawradii walaashiis, oo dembigiisana wuu qaadan doonaa.
  • 1 Boq 21:7 : 7 Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 13:1-3
    3 aayado
    86%

    1¶ Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay.

    2Oo Amnoon ayaa u dhibtooday oo u bukooday walaashiis Taamaar, waayo, iyadu bikrad bay ahayd; Amnoonna dhib bay la noqotay inuu wax ku sameeyo.

    3Laakiinse Amnoon wuxuu lahaa saaxiib, magiciisa la odhan jiray Yoonaadaab, oo uu dhalay Shimcaah oo ahaa Daa'uud walaalkiis; oo Yoonaadaabna nin sir badan buu ahaa.

  • 2 Sam 13:5-16
    12 aayado
    84%

    5Markaasaa Yoonaadaab ku yidhi, Sariirtaada ku jiifso oo iska dhig sidii mid buka, oo markii aabbahaa kuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo cunto ha i siiso, oo cuntadana hortayda ha ku samayso, aan iska fiirsadee, oo aan gacanteedana ku cunee.

    6Sidaas daraaddeed Amnoon wuu jiifay, oo wuxuu iska dhigay sidii mid buka, oo markii boqorkii u yimid ayaa Amnoon boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo hortayda ha iigu samayso laba xabbadood oo moofa ah, oo aan gacanteeda ku cunee.

    7Markaasaa Daa'uud Taamaar gurigii ugu cid diray, oo ku yidhi, Orod oo waxaad tagtaa gurigii walaalkaa Amnoon, oo isaga cunto u samee.

    8Sidaas daraaddeed Taamaar gurigii walaalkeed Amnoon ayay tagtay; oo isna wuu iska jiifay. Markaasay qaadday cajiin, wayna cajiintay, oo hortiisay moofa ku samaysay, markaasay moofadiina dubtay.

    9Oo intay digsigii qaadday ayay hortiisa ku soo shubtay; laakiinse wuu diiday inuu cuno. Markaasaa Amnoon yidhi, Dadka oo dhan dibadda iiga bixiya. Iyana dibadday uga wada baxeen.

    10Kolkaasaa Amnoon wuxuu Taamaar ku yidhi, Cuntada qolka iigu keen, aan gacantaada ku cunee. Markaasay Taamaar qaadday moofadii ay samaysay, oo walaalkeed Amnoon qolka ugu keentay.

    11Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!

    12Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.

    13Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo.

    14Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa.

    15Markaasaa Amnoon iyadii si aad iyo aad u weyn u nebcaaday, waayo, nacaybkuu u qabay wuu ka sii weynaa caashaquu caashaqay. Markaasaa Amnoon ku yidhi, Kac, oo iga tag.

    16Kolkaasay ku tidhi, Maya, saas ma aha, maxaa yeelay, xumaantan weyn ee aad igu bixinayso ayaa ka sii liidata tii kale ee aad igu samaysay. Laakiinse ma uu dhegaysan.

  • 81%

    20Markaasaa walaalkeed Absaaloom wuxuu ku yidhi, Ma waxaa kula jiray walaalkaa Amnoon? Haddaba walaalay, bal iska aamus, oo waxan qalbiga ha ku qabsan, waayo, isagu waa walaalkaa. Sidaas daraaddeed Taamaar waxay ku hadhay oo ku cidlowday gurigii walaalkeed Absaaloom.

    21Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.

    22Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay.

    23¶ Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.

    24Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.

    25Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.

    26Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?

    27Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.

    28Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.

    29Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

    31Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.

    32Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.

    33Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.

    34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

  • 39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 2¶ Oo Daa'uudna wiilal baa ugu dhashay Xebroon. Curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo waxaa dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel.

  • 71%

    31Dabadeedna Yoo'aab baa soo kacay oo Absaaloom gurigiisii ugu yimid, oo ku yidhi, War addoommadaadu maxay beertayda dab u qabadsiiyeen?

    32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

  • 27Oo Absaaloom waxaa u dhashay saddex wiil, iyo gabadh magaceeda la odhan jiray Taamaar, oo iyana waxay ahayd naag suurad qurxoon.

  • 4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 70%

    36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

    37Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.

  • 33Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 13Ama haddaan saas samayn lahaa naftaydaan been kula macaamiloon lahaa, waayo, boqorka waxba kama qarsoona, adiga qudhaaduna waad igu kici lahayd.

  • 13Oo Camaasaana waxaad ku tidhaahdaan, War miyaadan ahayn laftayda iyo luddayda? Ilaah saas iyo si ka sii daran ha igu sameeyo, haddaan ciidanka sirkaal kaaga dhigi waayo, oo aadan had iyo goorba hortayda joogin meeshii Yoo'aab!

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

  • 6Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.

  • 6Oo aabbihiisna marna kama calool xumayn isagii oo kuma odhan, War maxaad saas u yeeshay? Wuxuuna ahaa nin qurux badan, oo Absaaloom dabadiis dhashay.

  • 6oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.

  • 68%

    20Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn.

    21Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan.

  • 4Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo!

  • 25Oo Absaaloomna wuxuu ciidankii madax uga dhigay Camaasaa, oo Yoo'aab wuu ka beddelay. Haddaba Camaasaa waxaa dhalay nin reer binu Israa'iil ah oo magiciisa la odhan jiray Yitraa, oo wuxuu qabay Abiigayil oo ay Naaxaash dhashay, oo waxay la dhalatay Seruuyaah oo ahayd Yoo'aab hooyadiis.

  • 22Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay.