8Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.
9Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado.
10Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu caloosha seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.
11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.