2 Samuu'eel 13:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 3:3 : 3 Wiilkiisii labaadna wuxuu ahaa Kile'aab, oo waxaa dhashay Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel. Kan saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo waxaa dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii.
  • 2 Sam 13:34 : 34 Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.
  • 2 Sam 14:23 : 23 Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.
  • 2 Sam 14:32 : 32 Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.
  • 1 Taar 3:2 : 2 oo kii saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo ay dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii, oo kii afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    38Sidaasuu Absaaloom u cararay, oo Geshuur u tegey, oo saddex sannadood buu halkaas joogay.

    39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

  • 82%

    32Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay.

    33Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 2 Sam 19:1-4
    4 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

    2Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa.

    3Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.

    4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 79%

    29Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

    31Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.

    32Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.

    33Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.

    34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 75%

    23¶ Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.

    24Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.

    25Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.

    26Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?

    27Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.

  • 28¶ Oo Absaaloomna Yeruusaalem laba sannadood oo dhan ayuu degganaa, mana uu arag wejigii boqorka.

  • 30¶ Oo Daa'uudna wuxuu fuulay jiirtii Buur Saytuun oo intuu sii socdayna wuu ooyayay, isagoo hagoogan, oo caga cad, oo dadkii la jiray oo dhammuna midkood waluba wuu hagoogtay, oo kor bay tageen, iyagoo ooyaya intay kor u sii socdeen.

  • 74%

    23Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.

    24Markaasaa boqorkii yidhi, Gurigiisii ha ku noqdo, laakiinse yuusan wejigayga arkin. Saas aawadeed Absaaloom wuxuu ku noqday gurigiisii, mana uu arkin boqorka wejigiisii.

  • 74%

    17Oo Absaaloom bay qaadeen oo ku tuureen yamays dheer oo kaynta ku dhex yiil, oo waxay dusha kaga tuuleen dhagaxyo faro badan, oo reer binu Israa'iilna dhammaantood mid waluba teendhadiisii buu ku cararay.

    18Oo Absaaloomna intuu noolaa ayuu yidhi, Wiil magacayga lagu soo xusuusto ma aan lihi. Sidaas daraaddeed wuxuu qaaday tiir oo dhex qotomiyey dooxadii boqorka; oo tiirkiina wuxuu ku magacaabay magiciisii, oo ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa taalladii Absaaloom.

    19¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.

  • 74%

    12Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.

    13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

    14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 73%

    9¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

    10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

  • 7¶ Oo markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay.

  • 73%

    20Markaasaa walaalkeed Absaaloom wuxuu ku yidhi, Ma waxaa kula jiray walaalkaa Amnoon? Haddaba walaalay, bal iska aamus, oo waxan qalbiga ha ku qabsan, waayo, isagu waa walaalkaa. Sidaas daraaddeed Taamaar waxay ku hadhay oo ku cidlowday gurigii walaalkeed Absaaloom.

    21Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.

  • 72%

    32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

    33Sidaas daraaddeed Yoo'aab baa boqorkii u yimid, wuuna u sheegay, oo markuu Absaaloom u yeedhay ayuu isna boqorkii u yimid, oo intuu u sujuuday ayuu wejigiisa dhulka saaray boqorka hortiisa; oo boqorkiina Absaaloom buu dhunkaday.

  • 9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

  • 2oo kii saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo ay dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii, oo kii afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay,

  • 31¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii.

  • 5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

  • 17¶ Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,

  • 20Oo addoommadii Absaaloom naagtii bay gurigii ugu yimaadeen; oo waxay ku yidhaahdeen, Awaye Axiimacas iyo Yoonaataan? Markaasaa naagtii waxay ku tidhi, War waxay ka gudbeen togga biyaha. Oo iyana markay doondooneen oo ay heli waayeen ayay ku noqdeen Yeruusaalem.

  • 18Laakiinse wiil baa arkay iyagii, oo wuxuu u soo sheegay Absaaloom, oo iyana labadoodiiba haddiiba way carareen, oo waxay yimaadeen nin Baxuuriim deggan gurigiis oo barxadda ceel ku leh; oo iyana halkaasay ku dhaadhaceen.

  • 26Markaasaa Absaaloom iyo reer binu Israa'iil waxay soo degeen dalkii Gilecaad.

  • 2Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

  • 17Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday?

  • 12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.