2 Samuu'eel 19:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 15:14 : 14 Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!
  • 2 Sam 8:1-9 : 1 ¶ Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah. 2 Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen. 3 Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa. 4 Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun iyo toddoba boqol oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah; oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse iyagii boqol gaadhifaras buu uga reebay. 5 Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser, Daa'uud wuxuu reer Suuriya ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin. 6 Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba. 7 Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem. 8 Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan. 9 Oo Tocii oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay ciidankii Hadadceser oo dhan, 10 ayaa Tocii wiilkiisii Yooraam u soo diray inuu soo salaamo Boqor Daa'uud oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadadceser; waayo, Hadadceser wuxuu la diriri jiray Tocii. Oo Yooraamna wuxuu keenay weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah iyo weelal naxaas ah, 11 oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan; 12 kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay. 13 Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin. 14 Oo wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed; oo Edom oo dhanna wuxuu dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
  • Yac 3:14-16 : 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. 15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. 16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh.
  • Bil 3:12-13 : 12 Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay. 13 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.
  • Bax 32:24 : 24 Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.
  • 1 Sam 17:50 : 50 Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.
  • 1 Sam 18:5-7 : 5 Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba. 6 ¶ Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya. 7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
  • 1 Sam 18:25 : 25 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.
  • 1 Sam 19:5 : 5 waayo, intuu isku biimeeyey ayuu kii reer Falastiin dilay, oo Rabbiguna guul weyn buu u sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan. Waad aragtay, waanad ku faraxday, haddaba maxaad dhiig aan xaq qabin ugu dembaabaysaa inaad sababla'aan Daa'uud u disho?
  • 2 Sam 5:20 : 20 Markaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • 83%

    10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

    11¶ Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

  • 9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

  • 77%

    13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

    14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 2 Sam 19:1-6
    6 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

    2Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa.

    3Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.

    4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

    5Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

    6oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.

  • 76%

    41Dabadeedna dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu boqorkii bay u yimaadeen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Walaalaheen oo ah ragga reer Yahuudah maxay kuu xadeen, oo ay adiga iyo reerkaagaba Webi Urdun idiinku tallaabiyeen iyo weliba raggaagii kula jirayba, boqorow?

    42Markaasaa raggii reer Yahuudah waxay ugu jawaabeen raggii reer binu Israa'iil, War boqorku annaguu na hilib xigaa, ee maxaad xaaladdan ugu cadhoonaysaan? War ma annagaa boqorka wax ka cunnay? Mase hadiyad buu na siiyey?

    43Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.

  • 2 Sam 18:4-6
    3 aayado
    76%

    4Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun.

    5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

    6Saas daraaddeed dadkii dibadday u baxeen oo waxay reer binu Israa'iil kaga hor tageen duurka, oo dagaalkiina wuxuu ka dhacay kayntii reer Efrayim.

  • 2 Sam 15:2-3
    2 aayado
    75%

    2Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood.

    3Markaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro.

  • 75%

    15¶ Markaasaa Absaaloom iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu Yeruusaalem yimaadeen, iyagoo uu Axiitofel la socdo.

    16Oo kolkii Xuushay kii reer Arkii oo Daa'uud saaxiibkiis ahaa uu Absaaloom u yimid ayaa Xuushay Absaaloom ku yidhi, Boqorku ha noolaado, boqorku ha noolaado.

  • 75%

    28Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow.

    29Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

    30Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay.

    31Markaasaa kii reer Kuush yimid, oo yidhi, War baan kuu wadaa, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu maantuu kaaga soo aarguday kuwii kugu kacay oo dhan.

    32Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay.

  • 34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

  • 75%

    29Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

  • 19¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.

  • 6Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.

  • 16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.

  • 18Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

  • 2 Sam 17:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo dadka oo dhanna waan kuu soo celin doonaa, oo ninka aad doonaysaa waa sidii iyadoo ay dhammaan soo wada noqdeen; markaasay dadka oo dhammu nabad ku noolaan doonaan.

    4Oo hadalkaasuna aad buu uga farxiyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.

  • 73%

    9Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon.

    10Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon.

  • 39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 17Oo Absaaloom bay qaadeen oo ku tuureen yamays dheer oo kaynta ku dhex yiil, oo waxay dusha kaga tuuleen dhagaxyo faro badan, oo reer binu Israa'iilna dhammaantood mid waluba teendhadiisii buu ku cararay.

  • 37Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.

  • 8Oo dagaalkiina wuxuu ku faafay waddankii oo dhan, oo maalintaas waxaa kayntii cuntay dad ka sii badan intii seeftu cuntay.

  • 2Sidaas daraaddeed raggii reer binu Israa'iil oo dhammu way ka hadheen Daa'uud la socodkiisii, oo waxay daba galeen Shebac oo ahaa ina Bikrii, laakiinse raggii reer Yahuudah waxay ku hadheen boqorkoodii, oo ay la socdeen tan iyo Webi Urdun xataa ilaa Yeruusaalem.

  • 26Markaasaa Absaaloom iyo reer binu Israa'iil waxay soo degeen dalkii Gilecaad.

  • 2 Sam 1:3-4
    2 aayado
    72%

    3Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Xaggee baad ka timid? Markaasuu isna wuxuu yidhi, Waxaan ka soo baxsaday xeradii reer binu Israa'iil.

    4Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen.

  • 72%

    36Markaasaa dadkii oo dhammu taas u fiirsadeen, wayna la wanaagsanayd, oo wax alla wixii boqorku sameeyey ayaa la wanaagsanaa dadkii oo dhan.

    37Sidaasay dadkii oo dhan iyo reer binu Israa'iil oo dhammu maalintaas u garteen inuusan boqorku doonaynin in Abneer oo ahaa ina Neer la dilo.