2 Samuu'eel 20:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed raggii reer binu Israa'iil oo dhammu way ka hadheen Daa'uud la socodkiisii, oo waxay daba galeen Shebac oo ahaa ina Bikrii, laakiinse raggii reer Yahuudah waxay ku hadheen boqorkoodii, oo ay la socdeen tan iyo Webi Urdun xataa ilaa Yeruusaalem.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 19:15 : 15 Haddaba boqorkii wuu noqday, oo wuxuu yimid Webi Urdun. Oo dadkii dalka Yahuudahna waxay yimaadeen Gilgaal inay boqorka ka hor tagaan, oo ay boqorka ka gudbiyaan Webi Urdun.
  • 2 Sam 19:40-41 : 40 ¶ Sidaasuu boqorkii ugu gudbay Gilgaal, oo Kimhaamna isaguu la gudbay, oo reer Yahuudah oo dhammuna boqorkii bay soo gudbiyeen, iyo reer binu Israa'iil badhkood. 41 Dabadeedna dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu boqorkii bay u yimaadeen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Walaalaheen oo ah ragga reer Yahuudah maxay kuu xadeen, oo ay adiga iyo reerkaagaba Webi Urdun idiinku tallaabiyeen iyo weliba raggaagii kula jirayba, boqorow?
  • 2 Taar 10:17 : 17 Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.
  • Sab 62:9 : 9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
  • Sab 118:8-9 : 8 Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo. 9 Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo. 10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
  • Maah 17:14 : 14 Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
  • Yoox 6:66-68 : 66 ¶ Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon. 67 ¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan? 68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
  • Fal 11:23 : 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 20:5-7
    3 aayado
    82%

    5Markaasaa Camaasaa u tegey inuu reer Yahuudah isugu yeedho, laakiinse wuu ka daba maray wakhtigii loo qabtay ee lala ballamay.

    6Markaasaa Daa'uud Abiishay ku yidhi, Hadda Shebac oo ah ina Bikrii wuxuu inagu samayn doonaa waxyeello ka sii daran tii Absaaloom, haddaba addoommada sayidkaaga kexee, oo eryo, waaba intaasoo ay magaalo deyr leh helaan, oo ay inaga baxsadaane.

    7Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.

  • 1¶ Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.

  • 81%

    13Oo markii jidka laga durkiyey ayaa dadkii oo dhammu tageen oo Yoo'aab raaceen inay eryadaan Shebac oo ahaa ina Bikrii.

    14Isna wuxuu dhex maray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo tan iyo Aabeel, iyo Beytmacakaah, iyo reer Beerii oo dhan, oo dhammaantood intay soo urureen ayay eryadeen.

  • 78%

    21Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa.

    22Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.

    23¶ Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.

  • 77%

    40¶ Sidaasuu boqorkii ugu gudbay Gilgaal, oo Kimhaamna isaguu la gudbay, oo reer Yahuudah oo dhammuna boqorkii bay soo gudbiyeen, iyo reer binu Israa'iil badhkood.

    41Dabadeedna dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu boqorkii bay u yimaadeen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Walaalaheen oo ah ragga reer Yahuudah maxay kuu xadeen, oo ay adiga iyo reerkaagaba Webi Urdun idiinku tallaabiyeen iyo weliba raggaagii kula jirayba, boqorow?

    42Markaasaa raggii reer Yahuudah waxay ugu jawaabeen raggii reer binu Israa'iil, War boqorku annaguu na hilib xigaa, ee maxaad xaaladdan ugu cadhoonaysaan? War ma annagaa boqorka wax ka cunnay? Mase hadiyad buu na siiyey?

    43Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.

  • 11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.

  • 16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 73%

    15Haddaba boqorkii wuu noqday, oo wuxuu yimid Webi Urdun. Oo dadkii dalka Yahuudahna waxay yimaadeen Gilgaal inay boqorka ka hor tagaan, oo ay boqorka ka gudbiyaan Webi Urdun.

    16¶ Oo Shimcii ina Geeraa oo ahaa reer Benyaamiin oo ka yimid Baxuuriim ayaa soo dhaqsaday oo ula soo dhaadhacay raggii reer Yahuudah inay Boqor Daa'uud ka hor tagaan.

    17Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.

  • 16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.

  • 73%

    19Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.

    20Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

  • 2 Sam 19:8-9
    2 aayado
    72%

    8Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

    9¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

  • 4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid.

  • 2 Sam 2:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo raggiisii isaga la jirayna Daa'uud wuu kaxaystay, iyadoo nin waluba reerkiisii wato; oo waxay degeen magaalooyinkii Xebroon.

    4Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah. Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad.

  • 15Markaasay kaceen oo tiro ku gudbeen; oo waxay ahaayeen laba iyo toban reer Benyaamiin ah, oo ka socda xaggii Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, iyo laba iyo toban ka socda addoommadii Daa'uud.

  • 71%

    21Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.

    22Markaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen.

  • 16Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.

  • 71%

    17Boqorkiina wuu baxay, oo dadkii oo dhammuna isagay daba socdeen; oo meel fog bay joogsadeen.

    18Oo addoommadiisii oo dhammuna way dhinac mareen, iyaga iyo reer Kereetiim oo dhan, iyo reer Feleetii oo dhan, iyo reer Gad oo dhan, kuwaasoo ahaa lix boqol oo nin oo Gad ka soo raacday, dhammaantood boqorkii way hor mareen.

  • 11Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.

  • 22Markaasaa Daa'uud iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu kaceen, oo waxay ka gudbeen Webi Urdun; oo markii waagii baryay ma jirin mid iyagii ah oo aan Webi Urdun ka gudbin.

  • 13Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.

  • 3Daa'uudna waa yimid gurigiisii Yeruusaalem ku yiil, markaasaa boqorkii soo kaxaystay tobankiisii naagood oo addoommaha ahaa, ee uu kaga tegey inay guriga dhawraan, oo intuu meel gaadh leh geliyey ayuu masruufayay, laakiinse uma uu tegin. Sidaas daraaddeed ilamaa maalintii ay dhinteen bay xidhnaayeen, iyagoo carmallo ah.

  • 10taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.

  • 70%

    13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

    14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 12¶ Markaasaa Abneer oo ahaa ina Neer, iyo addoommadii Iishboshed ina Saa'uul, Maxanayim ka soo baxeen, oo waxay tageen Gibecoon.

  • 25Markaasaa reer Benyaamiin dhammaantood soo wada urureen oo Abneer soo daba galeen, oo waxay noqdeen guuto keliya, markaasay buur isku dul taageen.

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 19Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.

  • 2Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa.

  • 2Oo mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.

  • 2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

  • 22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • 29Oo Abneer iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay sii dhex guuraynayeen Caraabaah; wayna ka gudbeen Webi Urdun, oo Bitroon oo dhanna way dhex mareen, oo waxay yimaadeen Maxanayim.

  • 22Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.