2 Samuu'eel 18:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 7:16 : 16 Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.
  • 2 Sam 15:19-22 : 19 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey. 20 Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen. 21 Markaasaa Itay wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa, iyo noloshaada, boqorow, sayidkaygiiyow, sida runtaa meel alla meeshii aad joogtid, ama aan noolaado ama aan dhintee, anoo addoonkaaga ahuna halkaasaan joogayaa. 22 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Itay ku yidhi, Haddaba tag oo gudub. Markaasaa Itay kii reer Gadna gudbay, isagii iyo raggiisii oo dhan, iyo yaryarkii la socday oo dhan.
  • 2 Sam 17:11 : 11 Laakiinse anigu waxaan ku talinayaa in reer binu Israa'iil oo dhammu adiga kuu soo shiraan oo ay ka yimaadaan tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo ay u soo bataan sida cammuudda badda agteeda taal; oo aad adiga qudhaadu dagaalka gashid.
  • Sab 3:6 : 6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.
  • Sab 27:1-3 : 1 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa? 2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen. 3 In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
  • Sab 118:6-8 : 6 Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa? 7 Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo. 8 Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
  • Xaak 7:19 : 19 ¶ Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.
  • Xaak 9:43 : 43 Markaasuu dadkii kaxaystay, oo intuu u kala qaybiyey saddex guuto ayuu duurka ku gaaday; markaasuu intuu wax fiiriyey ayuu arkay dadkii magaalada ka soo baxayay oo intuu ku kacay ayuu laayay.
  • 1 Sam 11:11 : 11 Oo maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan.
  • 2 Sam 10:7-9 : 7 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. 8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen. 9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 18:3-7
    5 aayado
    83%

    3Laakiinse dadkii waxay yidhaahdeen, Waa inaanad bixin, waayo, annagu haddaannu cararno dan nagama ay lahaan doonaan; oo xataa haddii nuskayo dhintona dan nagama ay lahaan doonaan; laakiinse adigu waad ka qiimo weyn tahay toban kun oo naga mid ah; sidaas daraaddeed haatan waxaa wanaagsan inaad adoo diyaar ah iska joogtid oo aad xagga magaalada naga caawidid.

    4Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun.

    5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

    6Saas daraaddeed dadkii dibadday u baxeen oo waxay reer binu Israa'iil kaga hor tageen duurka, oo dagaalkiina wuxuu ka dhacay kayntii reer Efrayim.

    7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya.

  • 77%

    17Boqorkiina wuu baxay, oo dadkii oo dhammuna isagay daba socdeen; oo meel fog bay joogsadeen.

    18Oo addoommadiisii oo dhammuna way dhinac mareen, iyaga iyo reer Kereetiim oo dhan, iyo reer Feleetii oo dhan, iyo reer Gad oo dhan, kuwaasoo ahaa lix boqol oo nin oo Gad ka soo raacday, dhammaantood boqorkii way hor mareen.

    19Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey.

    20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 22Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Itay ku yidhi, Haddaba tag oo gudub. Markaasaa Itay kii reer Gadna gudbay, isagii iyo raggiisii oo dhan, iyo yaryarkii la socday oo dhan.

  • 6Markaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.

  • 1¶ Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

  • 13Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.

  • 73%

    1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta.

    2Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay iyo hadday tahay tan Rabbiga Ilaaheenna ah aynu meel kasta ugu cid dirno walaalaheenna ku hadhay dalka Israa'iil oo dhan, kuwaasoo ah kuwa wadaaddada iyo reer Laawi ay la dhex joogaan magaalooyinkooda agagaarka leh, si ay iyaguna inoogu soo ururaan.

  • 18Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

  • 2Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.

  • 21Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.

  • 72%

    23Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

    24Haddaba bal yaa waxaa idinka maqlaya? Ka dagaalka u baxaa siduu qayb u helo ayuu ka alaabta ku hadhaana qayb u helayaa; isku si waa inay u qaybsadaan.

  • 8Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

  • 20Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen.

  • 14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 72%

    2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa?

  • 5Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.

  • 2Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.

  • 2Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.

  • 18Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.

  • 2 Sam 24:2-4
    3 aayado
    72%

    2Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

    4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan.

  • 11Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan.

  • 10Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan.

  • 7Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

  • 15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.

  • 23¶ Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 10Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, iyaga waan kuu soo gacangelinayaa.

  • 17Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.

  • 13Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.

  • 19Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.

  • 13Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud haddana soo ururiyey raggii reer binu Israa'iil oo la doortay oo dhan, waxayna ahaayeen soddon kun.

  • 2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.

  • 7Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.

  • 2Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.

  • 22Markaasaa Daa'uud iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu kaceen, oo waxay ka gudbeen Webi Urdun; oo markii waagii baryay ma jirin mid iyagii ah oo aan Webi Urdun ka gudbin.

  • 18Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada.