2 Samuu'eel 18:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 15:36 : 36 Oo iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.
  • 2 Sam 18:31 : 31 Markaasaa kii reer Kuush yimid, oo yidhi, War baan kuu wadaa, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu maantuu kaaga soo aarguday kuwii kugu kacay oo dhan.
  • Sab 7:6 : 6 Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
  • Sab 7:8-9 : 8 Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay. 9 Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
  • Sab 9:4 : 4 Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
  • Sab 9:16 : 16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
  • Sab 10:14 : 14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
  • Sab 10:18 : 18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
  • Room 12:19 : 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • 2 Sam 17:17 : 17 Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.
  • 2 Sam 18:23 : 23 Wuxuuse yidhi, Wax kastaa ha dhacee, waan ordayaa. Kolkaasuu ku yidhi, Orod. Markaasaa Axiimacas wuxuu qaaday waddadii Bannaanka, oo kii reer Kuushna wuu ka dheereeyey.
  • 2 Sam 18:27-29 : 27 Markaasaa waardiyihii wuxuu yidhi, Waxaan u malaynayaa inuu ninka hore orodkiisu u eg yahay orodkii Axiimacas ina Saadooq. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Isagu waa nin wanaagsan, wuxuu soo wadaa war wanaagsan. 28 Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow. 29 Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    20Kolkaasaa Yoo'aab wuxuu ku yidhi, Adigu maanta ahaan maysid kan warka qaadaya, laakiinse maalin kalaad qaadi doontaa, illowse adigu maanta waxba war qaadi maysid, maxaa yeelay, boqorka wiilkiisii baa dhintay.

    21Markaasaa Yoo'aab wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Tag oo boqorkii u sheeg wixii aad aragtay. Oo kii reer Kuushna intuu Yoo'aab u sujuuday ayuu orday.

    22Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq ayaa mar kale Yoo'aab ku yidhi, Wax kastaba ha dhaceene, waan ku baryayaaye, i daa aan kii reer Kuush ka daba ordee. Oo Yoo'aabna wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, adigoon waxba ku helayn warkan, bal maxaad u ordaysaa?

    23Wuxuuse yidhi, Wax kastaa ha dhacee, waan ordayaa. Kolkaasuu ku yidhi, Orod. Markaasaa Axiimacas wuxuu qaaday waddadii Bannaanka, oo kii reer Kuushna wuu ka dheereeyey.

    24¶ Oo Daa'uudna wuxuu fadhiyey labada irdood dhexdooda, waardiyihiina wuxuu fuulay iridda saqafkeeda ilaa derbigii, markaasuu wax fiiriyey, oo arkay nin keligiis soo ordaya.

    25Kolkaasaa waardiyihii dhawaaqay, oo boqorkii buu u sheegay. Boqorkiina wuxuu yidhi, Hadduu keligiis yahay, war buu sidaa. Oo isna wuu soo orday, wuuna soo dhowaaday.

    26Markaasaa waardiyihii arkay nin kale oo soo ordaya; kolkaasaa waardiyihii u dhawaaqay iridjoogihii oo ku yidhi, Bal eeg, nin kalaa keligiis soo ordaya. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Isna war buu sidaa.

    27Markaasaa waardiyihii wuxuu yidhi, Waxaan u malaynayaa inuu ninka hore orodkiisu u eg yahay orodkii Axiimacas ina Saadooq. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Isagu waa nin wanaagsan, wuxuu soo wadaa war wanaagsan.

    28Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow.

    29Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

    30Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay.

    31Markaasaa kii reer Kuush yimid, oo yidhi, War baan kuu wadaa, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu maantuu kaaga soo aarguday kuwii kugu kacay oo dhan.

    32Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay.

    33Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 75%

    9¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

    10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

  • 75%

    17Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.

    18Laakiinse wiil baa arkay iyagii, oo wuxuu u soo sheegay Absaaloom, oo iyana labadoodiiba haddiiba way carareen, oo waxay yimaadeen nin Baxuuriim deggan gurigiis oo barxadda ceel ku leh; oo iyana halkaasay ku dhaadhaceen.

  • 32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

  • 74%

    29Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

  • 74%

    34laakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.

    35Oo halkaasna sow kulama joogaan wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar? Sidaas daraaddeed wax alla wixii aad guriga boqorka ka maqashoba, waxaad u soo sheegtaa wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar.

    36Oo iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.

  • 2 Sam 19:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

    2Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa.

  • 74%

    20Oo addoommadii Absaaloom naagtii bay gurigii ugu yimaadeen; oo waxay ku yidhaahdeen, Awaye Axiimacas iyo Yoonaataan? Markaasaa naagtii waxay ku tidhi, War waxay ka gudbeen togga biyaha. Oo iyana markay doondooneen oo ay heli waayeen ayay ku noqdeen Yeruusaalem.

    21Oo markay tageen dabadeed ayay ceelkii ka soo baxeen, oo ay tageen, oo ay Boqor Daa'uud u soo warrameen; oo waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, War ka kaca, oo haddiiba biyaha gudba, waayo, Axiitofel sidaasuu talo kaa gees ah ugu taliyey.

  • 18Oo Absaaloomna intuu noolaa ayuu yidhi, Wiil magacayga lagu soo xusuusto ma aan lihi. Sidaas daraaddeed wuxuu qaaday tiir oo dhex qotomiyey dooxadii boqorka; oo tiirkiina wuxuu ku magacaabay magiciisii, oo ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa taalladii Absaaloom.

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 2 Sam 19:4-5
    2 aayado
    73%

    4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

    5Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

  • 73%

    34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

    35Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.

    36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

    37Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.

  • 13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

  • 72%

    14Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.

    15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 21Markaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.

  • 9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

  • 5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

  • 9Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.

  • 39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.

  • 71%

    18Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,

    19oo kii farriinta wadayna wuxuu ku amray oo ku yidhi, Markaad boqorka uga warrantid waxa dagaalka ku saabsan oo dhan,

  • 27Oo haddana boqorkii wuxuu wadaadkii Saadooq ahaa ku yidhi, Sow adigu wax arke ma tihid? Haddaba magaaladii ku nabad noqda, idinka iyo labadiinna wiil ee idinla jirta, kuwaas oo ah wiilkaaga Axiimacas iyo Yoonaataan oo ah ina Aabyaataar.

  • 1¶ Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,

  • 8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

  • 10markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.