11Oo Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn.
12Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.
14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!
15Markaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow.