2 Samuu'eel 15:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana boqorkii wuxuu wadaadkii Saadooq ahaa ku yidhi, Sow adigu wax arke ma tihid? Haddaba magaaladii ku nabad noqda, idinka iyo labadiinna wiil ee idinla jirta, kuwaas oo ah wiilkaaga Axiimacas iyo Yoonaataan oo ah ina Aabyaataar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 9:9 : 9 (Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.)
  • 2 Sam 17:17 : 17 Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.
  • 2 Sam 24:11 : 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,
  • 1 Taar 25:5 : 5 Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood.
  • 2 Sam 15:34 : 34 laakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.
  • 2 Sam 15:36 : 36 Oo iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    34laakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.

    35Oo halkaasna sow kulama joogaan wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar? Sidaas daraaddeed wax alla wixii aad guriga boqorka ka maqashoba, waxaad u soo sheegtaa wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar.

    36Oo iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.

  • 78%

    28Oo anna waxaan sii joogayaa meesha mareenka ah ee cidlada loogu sii gudbo, jeeruu war iiga kiin yimaado.

    29Sidaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.

  • 17oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;

  • 76%

    10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

    11¶ Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

    12War idinku walaalahay baad tihiin, oo waxaad kaloo tihiin laftayda iyo luddayda; haddaba maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

  • 74%

    24Oo bal eeg, Saadooqna waa yimid, isagoo ay la socdaan reer Laawi oo dhan, oo sida sanduuqii axdiga Ilaah, markaasay sanduuqii Ilaah dhigeen, oo Aabyaataarna kor buu tegey, ilaa dadkii oo dhammu ay magaaladii ka soo gudbeen.

    25Markaasaa boqorkii wuxuu Saadooq ku yidhi, Sanduuqa Ilaah qaad oo magaaladii ku celi. Hadduu Rabbigu raalli iga yahay, mar kaluu i soo celin doonaa, oo wuu i tusi doonaa isaga iyo rugta Ilaahba.

    26Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.

  • 16oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.

  • 32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

  • 73%

    26Laakiinse anigoo addoonkaaga ah, iyo wadaadka Saadooq ah, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo addoonkaaga Sulaymaan ah midna uma uu yeedhin.

    27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

  • 26Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray.

  • 73%

    27Markaasaa waardiyihii wuxuu yidhi, Waxaan u malaynayaa inuu ninka hore orodkiisu u eg yahay orodkii Axiimacas ina Saadooq. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Isagu waa nin wanaagsan, wuxuu soo wadaa war wanaagsan.

    28Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow.

    29Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

    30Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay.

  • 73%

    11Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.

    12Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan.

  • 35Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.

  • 72%

    14Markaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh?

    15Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.

    16Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.

    17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.

  • 9Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon.

  • 7¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.

  • 72%

    19Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey.

    20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 1 Sam 21:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo markaas dabadeedna Daa'uud wuxuu Nob ugu yimid wadaadkii Axiimeleg ahaa, oo Axiimelegna Daa'uud buu ka hor yimid isagoo gariiraya, oo wuxuu isagii ku yidhi, War maxaa keligaa kaa dhigay oo ninna kuula socon waayay?

    2Oo Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay.

  • 35Markaasaa boqorkii wuxuu meeshiisii ku beddelay oo ciidankii madax uga dhigay Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo meeshii Aabyaataarna wuxuu ku beddelay wadaadkii Saadooq ahaa.

  • 19¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.

  • 25oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,

  • 44Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka!

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 20Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.

  • 8Laakiinse Saadooq oo ahaa wadaad, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo Nebi Naataan, iyo Shimcii iyo Reecii, iyo raggii xoogga badnaa oo Daa'uud lahaa midkoodna Adoniiyaah lama jirin.

  • 53oo isna dhalay Saadooq, oo isna dhalay Axiimacas.

  • 24Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?

  • 15Markaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow.

  • 15¶ Markaasaa Xuushay wuxuu ku yidhi wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, Axiitofel saas iyo saas buu ula taliyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil, oo anna saas iyo saas baan ula taliyey.

  • 7Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.

  • 7Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

  • 11Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,

  • 42Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye.

  • 3Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.