2 Samuu'eel 17:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse wiil baa arkay iyagii, oo wuxuu u soo sheegay Absaaloom, oo iyana labadoodiiba haddiiba way carareen, oo waxay yimaadeen nin Baxuuriim deggan gurigiis oo barxadda ceel ku leh; oo iyana halkaasay ku dhaadhaceen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 3:16 : 16 Markaasaa ninkeedii soo raacay iyadii, isagoo ooyaya intuu socday oo dhan, oo wuxuu iyadii daba socday tan iyo Baxuuriim. Markaasaa Abneer ku yidhi, War orod, oo iska noqo. Kolkaasuu iska noqday.
  • 2 Sam 16:5 : 5 ¶ Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday.
  • 2 Sam 19:16 : 16 ¶ Oo Shimcii ina Geeraa oo ahaa reer Benyaamiin oo ka yimid Baxuuriim ayaa soo dhaqsaday oo ula soo dhaadhacay raggii reer Yahuudah inay Boqor Daa'uud ka hor tagaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    16Sidaas daraaddeed haddiiba u cid dira, oo Daa'uud u war geeya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Caawa ha ku baryin meelaha loogu gudbo cidlada, laakiinse si alla si aad yeeshaba ka gudub; yaan adiga iyo dadka kula socda oo dhanba la wada liqine, boqorow.

    17Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.

  • 84%

    19Oo naagtiina ceelka afkiisii bay wax ku gogoshay, oo waxay ku dul firdhisay hadhuudh la tumay; oo waxbana lagama ogaan.

    20Oo addoommadii Absaaloom naagtii bay gurigii ugu yimaadeen; oo waxay ku yidhaahdeen, Awaye Axiimacas iyo Yoonaataan? Markaasaa naagtii waxay ku tidhi, War waxay ka gudbeen togga biyaha. Oo iyana markay doondooneen oo ay heli waayeen ayay ku noqdeen Yeruusaalem.

    21Oo markay tageen dabadeed ayay ceelkii ka soo baxeen, oo ay tageen, oo ay Boqor Daa'uud u soo warrameen; oo waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, War ka kaca, oo haddiiba biyaha gudba, waayo, Axiitofel sidaasuu talo kaa gees ah ugu taliyey.

  • 9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.

  • 78%

    34Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.

    35Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.

    36Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.

    37Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.

    38Sidaasuu Absaaloom u cararay, oo Geshuur u tegey, oo saddex sannadood buu halkaas joogay.

  • 24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 75%

    28Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow.

    29Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan.

    30Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay.

  • 75%

    9Absaaloomna si kedis ah ayuu uga hor yimid addoommadii Daa'uud. Absaaloomna baqashiisii ayuu fuushanaa, oo baqashiisii waxay hoos martay geed weyn laamihiis, kolkaasaa geedkii madaxiisii qabsaday, oo wuxuu ka lalmaday meel cirka iyo dhulka u dhaxaysa; oo baqashii ku hoos jirtayna way iska socotay.

    10Markaasaa nin arkay, oo Yoo'aab u soo sheegay, oo wuxuu ku yidhi, War, waxaan soo arkay Absaaloom oo geed ka lalmada.

  • 74%

    17Oo Absaaloom bay qaadeen oo ku tuureen yamays dheer oo kaynta ku dhex yiil, oo waxay dusha kaga tuuleen dhagaxyo faro badan, oo reer binu Israa'iilna dhammaantood mid waluba teendhadiisii buu ku cararay.

    18Oo Absaaloomna intuu noolaa ayuu yidhi, Wiil magacayga lagu soo xusuusto ma aan lihi. Sidaas daraaddeed wuxuu qaaday tiir oo dhex qotomiyey dooxadii boqorka; oo tiirkiina wuxuu ku magacaabay magiciisii, oo ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa taalladii Absaaloom.

    19¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.

  • 2 Sam 19:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.

    4Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

  • 73%

    36Oo iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.

    37Sidaas daraaddeed Xuushay oo ahaa Daa'uud saaxiibkiis magaaladii buu soo galay; oo Absaaloomna Yeruusaalem buu soo galay.

  • 11Oo Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn.

  • 22Sidaas daraaddeed Absaaloom teendhay uga dhiseen guriga dushiisa, oo Absaaloomna wuxuu u tegey naagihii addoommaha ahaa ee aabbihiis, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammu u jeedeen.

  • 72%

    29Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

    30Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

  • 39Laakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.

  • 5¶ Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Bal haddana iigu yeedh Xuushay kii reer Arkii, oo bal aan maqalno wuxuu isagu leeyahay.

  • 71%

    14Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira.

    15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 71%

    13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

    14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 2Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen.

  • 26Yoo'aabna markuu Daa'uud ka soo baxay ayuu rag ka daba diray Abneer, oo waxay ka soo celiyeen ceelkii Siraah, laakiinse taas Daa'uud ma ogayn.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

  • 70%

    24¶ Oo Daa'uudna wuxuu fadhiyey labada irdood dhexdooda, waardiyihiina wuxuu fuulay iridda saqafkeeda ilaa derbigii, markaasuu wax fiiriyey, oo arkay nin keligiis soo ordaya.

    25Kolkaasaa waardiyihii dhawaaqay, oo boqorkii buu u sheegay. Boqorkiina wuxuu yidhi, Hadduu keligiis yahay, war buu sidaa. Oo isna wuu soo orday, wuuna soo dhowaaday.

  • 32Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay.

  • 13Oo weliba hadduu magaalo galo, markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu xadhko soo qaadan doonaan, oo waxaynu magaalada u jiidaynaa xagga webiga oo waan ku ridaynaa, ilaa halkaas laga waayo xataa dhagax yar.

  • 17Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday?

  • 31Dabadeedna Yoo'aab baa soo kacay oo Absaaloom gurigiisii ugu yimid, oo ku yidhi, War addoommadaadu maxay beertayda dab u qabadsiiyeen?

  • 1¶ Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,

  • 12Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.

  • 24Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.

  • 23Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.

  • 21Markaasaa Yoo'aab wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Tag oo boqorkii u sheeg wixii aad aragtay. Oo kii reer Kuushna intuu Yoo'aab u sujuuday ayuu orday.

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.