2 Samuu'eel 17:4
Oo hadalkaasuna aad buu uga farxiyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.
Oo hadalkaasuna aad buu uga farxiyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5¶ Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Bal haddana iigu yeedh Xuushay kii reer Arkii, oo bal aan maqalno wuxuu isagu leeyahay.
6Markaasaa Xuushay u yimid Absaaloom, oo Absaaloomna intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Axiitofel sidan buu ku hadlay. Haddaba siduu nagu yidhi ma yeelnaa? Haddii kale, adigu hadal.
7Kolkaasaa Xuushay wuxuu Absaaloom ku yidhi, Axiitofel talada uu markan ku taliyey ma fiicna.
1¶ Oo taas dabadeedna Absaaloom ayaa diyaarsaday gaadhifardood iyo fardo, iyo konton nin oo hortiisa orodda.
2Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood.
3Markaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro.
4Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo!
5Oo waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray.
6Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.
7¶ Oo markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay.
13Oo weliba hadduu magaalo galo, markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu xadhko soo qaadan doonaan, oo waxaynu magaalada u jiidaynaa xagga webiga oo waan ku ridaynaa, ilaa halkaas laga waayo xataa dhagax yar.
14Markaasaa Absaaloom iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yidhaahdeen, Xuushay kii reer Arkii taladiisu way ka wanaagsan tahay taladii Axiitofel. Waayo, Rabbigu wuxuu ka dhigay in laga adkaado taladii wanaagsanayd oo Axiitofel, si Rabbigu Absaaloom shar ugu soo dejiyo.
15¶ Markaasaa Xuushay wuxuu ku yidhi wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, Axiitofel saas iyo saas buu ula taliyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil, oo anna saas iyo saas baan ula taliyey.
12Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
13¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.
36Markaasaa dadkii oo dhammu taas u fiirsadeen, wayna la wanaagsanayd, oo wax alla wixii boqorku sameeyey ayaa la wanaagsanaa dadkii oo dhan.
3Oo dadka oo dhanna waan kuu soo celin doonaa, oo ninka aad doonaysaa waa sidii iyadoo ay dhammaan soo wada noqdeen; markaasay dadka oo dhammu nabad ku noolaan doonaan.
4Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.
15¶ Markaasaa Absaaloom iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu Yeruusaalem yimaadeen, iyagoo uu Axiitofel la socdo.
16Oo kolkii Xuushay kii reer Arkii oo Daa'uud saaxiibkiis ahaa uu Absaaloom u yimid ayaa Xuushay Absaaloom ku yidhi, Boqorku ha noolaado, boqorku ha noolaado.
17Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday?
18Xuushayna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Saas ma aha; laakiinse kii Rabbiga, iyo dadkan, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu doorteen ayaa i lahaanaya, oo isagaan la joogayaa.
20Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn.
21Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan.
22Sidaas daraaddeed Absaaloom teendhay uga dhiseen guriga dushiisa, oo Absaaloomna wuxuu u tegey naagihii addoommaha ahaa ee aabbihiis, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammu u jeedeen.
23Oo waayahaasna taladii Axiitofel ku talin jiray waxay ahayd sidii Ilaah hadalkiisa markii Ilaah wax la weyddiisto oo kale; oo Axiitofel taladiisuna saasay la ahayd Daa'uud iyo Absaaloomba.
24¶ Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.
21Markaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.
9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.
24Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.
4Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun.
5Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.
32Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.
33Sidaas daraaddeed Yoo'aab baa boqorkii u yimid, wuuna u sheegay, oo markuu Absaaloom u yeedhay ayuu isna boqorkii u yimid, oo intuu u sujuuday ayuu wejigiisa dhulka saaray boqorka hortiisa; oo boqorkiina Absaaloom buu dhunkaday.
26Markaasaa Absaaloom iyo reer binu Israa'iil waxay soo degeen dalkii Gilecaad.
1¶ Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,
9¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.
10Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?
10Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon.
1¶ Markaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.
17¶ Oo Abneerna wuxuu la arrinsaday odayaashii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waa hore waxaad doonayseen in Daa'uud boqor idiin noqdo.
34laakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.
32Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay.
37Sidaas daraaddeed Xuushay oo ahaa Daa'uud saaxiibkiis magaaladii buu soo galay; oo Absaaloomna Yeruusaalem buu soo galay.
39Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.
4Markaasaa shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Haah, oo sidaasaynu yeelaynaa, maxaa yeelay, taasu dadkii oo dhan ayay la qummanayd.
27Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.
23Sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.
24Markaasaa boqorkii yidhi, Gurigiisii ha ku noqdo, laakiinse yuusan wejigayga arkin. Saas aawadeed Absaaloom wuxuu ku noqday gurigiisii, mana uu arkin boqorka wejigiisii.
25¶ Haddaba reer binu Israa'iil oo dhan laguma arag nin Absaaloom la mid ah oo quruxdiisa aad loogu ammaano, waayo, cagtiisa cad ilaa dhaladiisa innaba iin laguma arag.