15¶ Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay.
16Oo Yiishbii Benob, oo ka mid ahaa wiilashii Rafaa, oo miisaanka warankiisu ahaa saddex boqol oo sheqel oo naxaas ah, oo seef cusubuna dhexday ugu xidhnayd, ayaa damcay inuu Daa'uud dilo.
17Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.
18¶ Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Goob lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Saf oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa.
19Oo haddana reer Falastiin waxaa lagula diriray Goob; oo Elxaanaan ina Yacaray Oregiim oo reer Beytlaxam ahaa wuxuu dilay Goli'ad oo reer Gad ahaa, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa.