2 Samuu'eel 22:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey; Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 5:18-25 : 18 Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim. 19 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa. 20 Markaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim. 21 Iyana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii. 22 ¶ Haddana reer Falastiin mar kalay soo kaceen oo dooxadii Refaa'iim ku firdheen. 23 Oo Daa'uudna markuu Rabbiga wax weyddiiyey ayaa Rabbigu ku yidhi, Waa inaadan ku kicin, laakiinse xagga dambe ka mar oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo. 24 Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, kolkaas waa inaad dhaqsataa, waayo, Rabbigu waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo. 25 Oo Daa'uudna sidii buu yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu reer Falastiin ku laynayay ilaa Gebac iyo tan iyo Geser.
  • 2 Sam 8:1-2 : 1 ¶ Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah. 2 Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.
  • 2 Sam 8:13-14 : 13 Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin. 14 Oo wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed; oo Edom oo dhanna wuxuu dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
  • 2 Sam 10:14 : 14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.
  • Sab 21:8-9 : 8 Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb. 9 Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
  • Room 8:37 : 37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 18:36-40
    5 aayado
    94%

    36Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

    37Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.

    38Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.

    39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 88%

    39Oo iyagaan baabbi'iyey, waanan wada laayay, si aanay mar dambe u awoodin inay soo sara kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhaceen.

    40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 3Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.

  • 43Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dhulka, Waan ku tuntay sidii dhoobada jidadka taal oo kale, markaasaan kala firdhiyey.

  • 9Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.

  • 75%

    10Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

    11Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

    12Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

  • 2Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.

  • 22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 42Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.

  • 37Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

  • 74%

    41Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.

    42Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda, Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.

  • 22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

  • 72%

    48Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,

    49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 19Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 29Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

  • 139Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

  • 14Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.

  • 11Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.

  • 11Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.

  • 22Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna sii caasinimo ah ugama tegin.

  • 3Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.

  • 18Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 8waanan kula jiray meel kastoo aad tagtayba, oo cadaawayaashaadii oo dhanna hortaadaan ka baabbi'iyey. Oo waxaan kuu bixin doonaa magac la mid ah magacyada kuwa waaweyn oo dhulka jooga.

  • 7Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.

  • 30Oo adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 4Shuqulladii dadkana waan ka hadhay, Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.

  • 18Kuwa i silciya ha ceeboobeen, laakiinse anigu yaanan ceeboobin, oo iyagu ha nexeen, laakiinse anigu yaanan nixin. Maalinta masiibada ku soo deji, oo waxaad iyaga ku halligtaa halligaad laba jibbaar ah.

  • 23Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.

  • 29Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

  • 8Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.

  • 157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

  • 22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.

  • 7Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

  • 12Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.

  • 66Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.

  • 18oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan.

  • 23Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.