Sabuurradii 119:139

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 69:9 : 9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
  • Yoox 2:17 : 17 Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa.
  • 1 Boq 19:10 : 10 ¶ Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
  • 1 Boq 19:14 : 14 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
  • Sab 53:4 : 4 Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?
  • Fal 13:27 : 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.
  • Fal 28:23-27 : 23 ¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii. 24 Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen. 25 Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay, 26 oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto; 27 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
  • Mat 9:13 : 13 Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.
  • Mat 12:3-5 : 3 Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray, 4 siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u cunay kibistii tusniinta, tan aan xalaal u ahayn inuu cuno ama in kuwii la jiray cunaan, wadaaddada keliya maahee? 5 Ama miyaydnaan sharciga ka akhriyin in wadaaddadii macbudka ku jira sabtida, ay sabtida ka dhigaan wax aan quduus ahayn oo ay ka eed la' yihiin?
  • Mat 15:4-6 : 4 Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 5 Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey, 6 aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.
  • Mat 21:13 : 13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.
  • Mat 21:16 : 16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?
  • Mat 21:42 : 42 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?
  • Mat 22:29 : 29 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.

  • 76%

    140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

    141Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

  • 87Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.

  • 17Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa.

  • 74%

    157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

    158Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.

    159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

  • 16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.

  • 37Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.

  • 109Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.

  • 93Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

  • 7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • 123Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

  • 38Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey; Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.

  • 161Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

  • 72%

    10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

    11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

  • 61Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

  • 167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

  • 95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

  • 22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

  • 153Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.

  • 131Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.

  • 49Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

  • 14Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.

  • 53Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.

  • Sab 102:3-4
    2 aayado
    71%

    3Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

    4Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.

  • 176Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

  • 71%

    82Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.

    83Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.

    84Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?

  • 40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

  • 20Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 11Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.

  • 143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

  • 8Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.

  • 17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

  • 10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • 6Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.

  • 69Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.

  • 4Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.

  • 174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 19Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.

  • 22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

  • 4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.