Sabuurradii 119:161

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 26:18 : 18 Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?
  • Sab 119:23 : 23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
  • 1 Sam 24:9-9 : 9 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo? 10 Bal eeg, maanta indhahaagu way arkeen sida Rabbigu iigu soo kaa gacangeliyey annagoo godka ku jirna, oo qaarna, Dil, bay igu yidhaahdeen, laakiinse waan kuu naxay; oo waxaan idhi, Anigu sayidkayga gacanta u qaadi maayo, maxaa yeelay, isagu waa Rabbiga kiisa subkan. 11 Bal eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid. 12 Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso. 13 Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso. 14 Bal boqorkii reer binu Israa'iilow, yaad ka soo daba baxaysaa? Oo bal yaad eryanaysaa? Ma eey bakhti ah, mase tagfi? 15 Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.
  • Bil 39:9 : 9 oo weliba gurigan mid aniga iga weynu ma joogo, oo isaguna waxba igalama hadhin adiga mooyaane, maxaa yeelay, adigu waxaad tahay naagtiisii, de haddaba sidee baan u samayn karaa xumaantan weyn, oo aan Ilaah ugu dembaabaa?
  • Bil 42:18 : 18 Kolkaasaa maalintii saddexaad Yuusuf iyagii ku yidhi, Tan yeela, oo waad noolaan doontaan, waayo, anigu Ilaah baan ka cabsadaa.
  • 1 Sam 21:15 : 15 War ma waxaan u baahanahay niman waalan, oo ma taas aawadeed baad ninkan u keenteen inuu hortayda isku waalo? War ma ninkan oo kalaa gurigayga soo gala?
  • Sab 119:157 : 157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
  • Ish 66:2 : 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
  • Yer 36:23-25 : 23 Oo haddaba markii Yehuudii saddex amase afar qaybood akhriyey ayaa boqorku mandiil ku gooyay, oo wuxuu ku dhex tuuray dabkii girgiraha ka baxayay, ilamaa kitaabkii duudduubnaa uu ku wada baabba'ay dabkii girgiraha ka baxayay. 24 Oo boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin. 25 In kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.
  • Yoox 15:25 : 25 Laakiin sidaas waxay u noqotay inuu dhammaado hadalka sharcigooda ku qorani, Way ii nebcaadeen sababla'aan.
  • 2 Boq 22:19 : 19 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Nex 5:15 : 15 Laakiinse taliyayaashii hore oo iga sii horreeyey dadka culays bay ku hayeen, oo waxay ka qaadan jireen cunto iyo khamri iyo weliba afartan sheqel oo lacag ah, oo xataa midiidinnadoodu dadka way xukumi jireen. Laakiinse anigu saas ma aan yeelin, maxaa yeelay, waxaan ka cabsadaa Ilaah.
  • Ayuub 31:23 : 23 Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.
  • Sab 4:4 : 4 Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    78Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.

    79Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.

    80Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.

  • 77%

    20Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

    21Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.

    22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

    23Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.

  • 162Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.

  • 76%

    119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.

    120Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.

    121Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.

  • 76%

    157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

    158Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.

    159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

    160Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

  • 75%

    84Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?

    85Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.

    86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

  • 69Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.

  • 74%

    10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

    11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

  • 95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

  • 110Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

  • 73%

    38Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.

    39Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.

    40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

  • 73%

    42Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.

    43Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

  • 73%

    50Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

    51Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

  • 143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

  • 3Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.

  • 73%

    133Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.

    134Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.

  • 53Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.

  • 74Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.

  • 72%

    139Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

    140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

    141Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

  • 114Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

  • 67Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.

  • 153Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.

  • 46Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.

  • 116Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.

  • 169Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

  • 61Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

  • 11Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.

  • 58Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.