Sabuurradii 119:53

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 9:3 : 3 Oo kolkaan waxaas maqlay ayaan dharkaygii iyo go'aygii jeexjeexay, oo timihii ku yiil madaxayga iyo gadhkaygana waan iska rifay, oo waxaan fadhiistay anigoo wareersan.
  • Sab 119:158 : 158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
  • Yer 13:17 : 17 Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale.
  • Daan 4:19 : 19 ¶ Markaasaa Daanyeel oo magiciisu ahaa Beelteshaasar, ayaa inta wakhti ah yaabbanaa, fikirradiisiina wuu la welwelay. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi, Beelteshaasarow, ha ka welwelin riyada ama fasirkeeda. Beelteshaasarna waa jawaabay oo yidhi, Sayidkaygiiyow, riyadu ha u noqoto kuwa ku neceb, fasirkeeduna ha u noqdo cadaawayaashaada.
  • Xab 3:16 : 16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
  • Luuk 19:41-42 : 41 ¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay, 42 isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga.
  • Room 9:1-3 : 1 ¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa 2 in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay,
  • 2 Kor 12:21 : 21 waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.
  • Fil 3:18 : 18 ¶ Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa,
  • Cesr 9:14 : 14 haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?
  • Cesr 10:6 : 6 Markaasaa Cesraa ka kacay gurigii Ilaah hortiisa, oo wuxuu galay qolkii Yehooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib, oo markuu halkaas yimid waxba kibis ma uu cunin, biyona ma uu cabbin, waayo, wuxuu u baroortay xadgudubkii ay sameeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
  • Nex 13:25 : 25 Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.
  • Sab 89:30 : 30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,
  • Sab 119:136 : 136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 55:4-5
    2 aayado
    79%

    4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

    5Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

  • 78%

    119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.

    120Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.

  • 61Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

  • 76%

    157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

    158Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.

    159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

  • 75%

    50Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

    51Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

    52Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.

  • 143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

  • 74%

    39Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.

    40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

  • 115Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.

  • 73%

    109Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.

    110Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

  • 87Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.

  • 161Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

  • 8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.

  • 43Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

  • 153Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.

  • 6Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.

  • 16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

  • 95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

  • 72%

    54Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.

    55Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.

    56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

  • 74Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.

  • 113Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

  • 11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

  • 174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

  • 139Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

  • 79Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.

  • 71%

    101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.

    102Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.

  • 77Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.

  • 71%

    92Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.

    93Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

  • 4Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday.

  • 22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

  • 63Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.

  • 17Cabsi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magangalo.

  • 21Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

  • 150Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.

  • 155Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.

  • 67Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.

  • 141Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

  • 163Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

  • 30¶ Wax baas oo yaab miidhan ah ayaa dalka lagu dhex sameeyey.