2 Samuu'eel 23:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 22:43 : 43 Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,
  • 2 But 1:21 : 21 Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.
  • Mark 12:36 : 36 Daa'uud qudhiisuna, isagoo Ruuxa Quduuskaa ku hadlaya, ayuu wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
  • Fal 2:25-31 : 25 Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin. 26 Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa. 27 Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko. 28 Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa. 29 ¶ Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal. 30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono, 31 wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag.
  • Cib 3:7-8 : 7 Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, 8 Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,

  • 1¶ Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud. Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay, Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay, Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay, Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:

  • 2 Sam 22:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Daa'uud wuxuu Rabbiga kula hadlay erayadii gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba:

    2oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

  • Ayuub 33:2-4
    3 aayado
    72%

    2Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

    3Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.

    4Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.

  • 1Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.

  • 17ayuu Rabbigu ila hadlay oo igu yidhi,

  • 15Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 9Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.

  • 2Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.

  • 172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

  • 3Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Israa'iil. Rabbigii samada kala bixiyey, oo aasaaska dhulka dhigay, oo dadka naftiisa ku dhex sameeyey wuxuu leeyahay,

  • 16Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

  • 4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 2Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.

  • 26Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.

  • 17Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

  • 2oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga.

  • 20Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,

  • 21Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen.

  • 18Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

  • 23Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.

  • 15Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.

  • 11¶ Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

  • 22Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.

  • 4¶ Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.

  • Sab 2:6-7
    2 aayado
    69%

    6Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.

    7Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

  • 12Kolkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo?

  • 24Oo aniga Rabbiga ahu Ilaahooda baan ahaan doonaa, oo addoonkayga Daa'uudna wuxuu ahaan doonaa amiir dhexdooda jooga. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

  • 2Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 13Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 3(Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa, Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)

  • 26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.

  • 8Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,