2 Samuu'eel 23:37
iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay;
iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay;
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
35iyo Axiyaam oo ahaa ina Saakaar oo ahaa reer Haraarii, iyo Eliifaal oo ahaa ina Uur,
36iyo Heefer oo ahaa reer Mekeeraatii, iyo Axiiyaah oo ahaa reer Feloonii,
37iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Nacaray oo ahaa ina Esbay,
38iyo Yoo'eel oo ahaa Naataan walaalkiis, iyo Mibxaar oo ahaa ina Hagrii,
39iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Beerod, oo ahaa kii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay,
40iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,
25iyo Shammaah oo ahaa reer Xarod, iyo Eliiqaa oo ahaa reer Xarod,
26iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,
27iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, iyo Mebunnay oo ahaa reer Xushaad;
28iyo Salmoon oo ahaa reer Axoo'ax, iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah,
29iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin;
30iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash;
31iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum;
32iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim, iyo wiilashii Yaasheen, Yoonaataan,
33iyo Shammaah oo ahaa reer Haraarii, iyo Axiyaam ina Shaaraar oo ahaa reer Araarii;
34iyo Eliifeled ina Axasbay, oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyo Eliicaam ina Axiitofel oo ahaa reer Giloh;
35iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Facaray oo ahaa reer Araab;
36iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad;
38iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
39iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.
3Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood,
4iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad,
27iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,
28iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood,
29iyo Sibbekay oo ahaa reer Xushaad, iyo Ciilay oo ahaa reer Axoo'ax,
30iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah, iyo Xeeled ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah,
31iyo Iitay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon,
32iyo Xuuray oo ka yimid durdurradii Gacash, iyo Abii'eel oo ahaa reer Caraabaah,
33iyo Casmaawed oo ahaa reer Baxuuriim, iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim,
17iyo Sebadyaah, iyo Meshullaam, iyo Xisqii, iyo Xeber,
7iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor.
23¶ Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.
31iyo Naadaab, iyo Gedoor, iyo Axiyoo, iyo Seker.
9Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad,
46iyo Elii'eel oo ahaa reer Maxawiim, iyo Yeriibay, iyo Yooshawiyaah oo ahaa wiilashii Elnacam, iyo Yitmaah oo ahaa reer Moo'aab,
47iyo Elii'eel, iyo Coobeed, iyo Yacasii'eel oo ahaa reer Mesobaayaah.
37iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.
1¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.
11Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,
15iyo Sebadyaah, iyo Caraad, iyo Ceeder,
17oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;
35iyo Benaayaah, iyo Beedyaah, iyo Keluux,
43Wiilashii Nebona, Yecii'eel, iyo Matityaah, iyo Saabaad, iyo Sebiinaa, iyo Iddo, iyo Yoo'eel, iyo Benaayaah.
34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.
6Oo kaasu waa Benaayaah oo ahaa kii ugu xoog badnaa soddonkii, oo weliba soddonka madax u ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray wiilkiisii Cammiisaabaad.
23iyo Cabdoon, iyo Sikrii iyo Xaanaan,
7Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,
15Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
17reer Laawina waxaa u talinayay Hashabyaah ina Qemuu'eel, reer Haaruunna waxaa u talinayay Saadooq,