2 Samuu'eel 5:7
Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.
Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
4¶ Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Yeruusaalem (taasoo ah Yebuus), oo halkaasna waxaa joogay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Yebuus.
5Markaasaa dadkii Yebuus degganaa waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, Adigu halkan soo geli maysid. Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.
6Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Ku alla kii marka hore reer Yebuus laayaa wuxuu noqon doonaa madax iyo sirkaal. Oo waxaa markii hore baxay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo isagii ayaa waxaa laga dhigay madax.
7Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.
6¶ Oo boqorkii iyo raggiisiiba waxay tageen Yeruusaalem, inay ku duulaan reer Yebuus oo ahaa dadkii dalka degganaa, kuwaasoo la hadlay Daa'uud oo ku yidhi, Adoo kuwa indhaha la' iyo curyaannada qaada mooyaane halkan iman maysid, waayo, waxay u maleeyeen inuusan Daa'uud halkaas iman karin.
8Markaasaa Daa'uud maalintaas wuxuu yidhi, Ku alla kii reer Yebuus laayaa, ha tago meesha biyomareenka ah, oo ha ku laayo curyaannada iyo indhoolayaasha oo neceb Daa'uud naftiisa. Sidaas daraaddeed waxay leeyihiin, Indhoolayaasha iyo curyaannadu yaanay guriga soo gelin.
9Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, wuxuuna u bixiyey magaaladii Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu dhisay hareeraheedii iyo tan iyo Millo ilaa gudaha.
10Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay; waayo, waxaa isaga la jiray Rabbiga ah Ilaaha ciidammada.
28Haddaba dadka intiisa kale soo ururso, oo magaalada horteeda deg, oo qabso, waayo, waaba intaasoo intaan magaalada qabsado, laygu magacaabaaye.
29Markaasaa Daa'uud dadkii oo dhan soo urursaday, wuxuuna tegey ilaa Rabbaah, wuuna la diriray, oo qabsaday.
17¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.
29Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.
54Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.
13Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
19Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.
20Markaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim.
25Oo Daa'uudna sidii buu yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu reer Falastiin ku laynayay ilaa Gebac iyo tan iyo Geser.
14¶ Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.
7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.
12Oo Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.
13¶ Oo Daa'uudna weliba Yeruusaalem ayuu ka guursaday addoommo iyo naago kale markuu Xebroon ka yimid dabadeed, oo weliba waxaa Daa'uud u dhashay wiilal iyo gabdho.
1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu magaaladii Daa'uud ka dhistay guryo, oo sanduuqii Ilaahna meel buu u hagaajiyey, teendhona buu u dhisay.
4Habase yeeshee Daa'uud daraaddiis ayaa Rabbiga Ilaahiis ahu Yeruusaalem ka dhex siiyey laambad inuu isaga dabadiis wiilkiisa dhiso iyo inuu Yeruusaalem adkeeyo aawadeed,
6Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
7Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
16Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.
2Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
7¶ Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.
5Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
5Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
6Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
14Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.
22Markaasaa Daa'uud u dhaartay Saa'uul. Oo Saa'uulna gurigiisii buu tegey, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay galeen dhufayskii.
10iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.
6Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.
8Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.
2Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
35Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.
25Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.
8Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
16Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.
2¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.
10Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.
3Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.
50Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.
32Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.
2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.