2 Tessaloniika 1:10
markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Sababtaas daraaddeed mar walba waannu idiin ducaynaa in Ilaaheen idinka dhigo kuwa istaahila yeedhistiisa oo uu xoog ku dhammeeyo doonis kasta oo wanaag ah iyo shuqulka rumaysadka,
12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.
13inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.
7iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa
8oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
9Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,
6sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;
7si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;
8kan haddana idinku adkayn doona ilaa dhammaadka, inaad eedla'aataan maalinta Rabbigeenna Ciise Masiix.
19Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha?
20Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.
10oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.
14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.
4Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.
5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.
1¶ Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow,
2inaan caqligiinnu dhaqso u qasmin ama aydnaan ku argaggixin ruux, ama hadal, ama warqad sida mid annagu aannu soo dirnay, sidii iyadoo maalintii Rabbigu hadda joogto.
10Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.
21idinkoo isaga aawadiis ku ah kuwa rumaysan Ilaaha isaga ka soo sara kiciyey kuwii dhintay oo ammaanay isaga, in rumaysadkiinna iyo rajadiinnu ay Ilaah ku xidhnaadaan aawadeed.
13innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
14Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.
7Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
8Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.
17Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
4Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.
10inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin ahaataan ilamaa maalinta Masiixa,
11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.
24¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
14tan uu idiinku yeedhay injiilkayaga inaad heshaan ammaanta Rabbigeenna Ciise Masiix.
12in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa.
5Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.
28oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.
10¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.
11Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado,
2Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.
12inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.
11Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.
12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed
20Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballamadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aamiinta, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.
7Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.
24Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.
21kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
25Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.
10Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.
10Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.