2 Timoteyos 1:7
Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.
Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.
6¶ Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii.
12Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.
17Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay.
18Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka.
7¶ Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.
5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.
3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.
28oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.
3Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.
4Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
5inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
16¶ Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,
9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
9Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
4Hubaalkan oo kale ayaannu Masiix ku leennahay xaggii Ilaah;
5ma aha inaannu isku filan nahay inaannu wax ka tashanno xagga qudhayada, laakiin iskufillaantayadu waa xagga Ilaah,
6kan haddana naga dhigay kuwa ku filan inaannu ka adeegno axdiga cusub, ma aha xagga qorniinka, laakiin xagga ruuxa, waayo, qorniinku wax buu dilaa, laakiin ruuxu wax buu nooleeyaa.
15Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.
2inaan caqligiinnu dhaqso u qasmin ama aydnaan ku argaggixin ruux, ama hadal, ama warqad sida mid annagu aannu soo dirnay, sidii iyadoo maalintii Rabbigu hadda joogto.
13Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.
14Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.
6Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?
9Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya.
13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,
15Jacaylkiisuna wuu ku sii badan yahay xaggiinna, maxaa yeelay, wuxuu xusuustaa dhammaantiin addeeciddiinna iyo sidaad idinkoo cabsanaya oo gariiraya u dhowayseen.
20Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog.
8Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.
9Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.
4waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
7Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan.
8Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.
7waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
21Laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah,
22kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagu siiyey qalbigeenna.
17Rabbigu waa Ruuxa, oo meeshii Ruuxa Rabbigu joogana, waxaa jira xorriyad.
1¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
6Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.
5¶ Waayo, markaannu Makedoniya nimid jidhkayagu ma nasan, laakiin wax kasta waannu ku dhibtoonnay. Xagga dibadda waxaa jiray dagaallo, xagga gudahana waxaa jirtay cabsi.
5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
3waayo, waxaad doondoonaysaan wax caddeeya in Masiixu iga dhex hadlayo, kan aan xaggiinna ku itaalka yarayn, laakiinse dhexdiinna ku xoogga badan.
16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.
13¶ Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.
29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.
8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.
1¶ Gacaliyayaalow, tanu waa warqaddii labaad oo aan idiin soo qoray, oo labadoodaba waxaan maankiinna daacadda ah ku guubaabinayaa xusuusin,
14Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.
4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.