1 Korintos 4:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 2:4 : 4 Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
  • 2 Kor 10:4-5 : 4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo. 5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
  • 1 Tes 1:5 : 5 waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.
  • Room 14:17 : 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa.
  • Room 1:16 : 16 ¶ Waayo, anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa yeelay, waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta, marka hore Yuhuudda dabadeedna Gariigga.
  • Room 15:19 : 19 oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon.
  • 1 Kor 1:24 : 24 Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    18Qaar baa kibray sidii anigoo aan idiin imanaynin.

    19Laakiin dhowaan baan idiin iman doonaa, haddii Rabbigu yidhaahdo, oo markaasaan garan doonaa kuwa kibray xooggooda, ee ma aha hadalkooda.

  • 1 Kor 2:4-6
    3 aayado
    79%

    4Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,

    5inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.

    6¶ Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono;

  • 17Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa.

  • 21Maxaad doonaysaan? Ma inaan ul idiinla imaado, mise jacayl iyo ruux qabow?

  • 5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

  • 2 Kor 13:3-4
    2 aayado
    72%

    3waayo, waxaad doondoonaysaan wax caddeeya in Masiixu iga dhex hadlayo, kan aan xaggiinna ku itaalka yarayn, laakiinse dhexdiinna ku xoogga badan.

    4Waayo, isagoo itaaldaran ayaa iskutallaabta lagu qodbay, laakiin wuxuu ku nool yahay xoogga Ilaah. Annaguba isaga waannu la itaal yar nahay, laakiin isagaannu xaggiinna kula noolaan doonnaa xoogga Ilaah.

  • 2 Kor 10:3-4
    2 aayado
    72%

    3Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno,

    4waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.

  • 20Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.

  • 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

  • 6Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga.

  • 70%

    17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.

    18¶ Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.

  • 7¶ Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.

  • 10¶ Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.

  • 70%

    20¶ Farrisiintii goortay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Goormay boqortooyada Ilaah imanaysaa? wuxuu ugu jawaabay, Boqortooyada Ilaah dhawrid ku iman mayso.

    21Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa.

  • 28Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.

  • 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

  • 30¶ Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa?

  • 4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

  • 7Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.

  • 12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

  • 9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.

  • 4magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise,

  • 20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

  • 20¶ Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada.

  • 67%

    9Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya.

    10Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa.

  • 8Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.

  • 20Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa?

  • 7iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba,

  • 1¶ Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,

  • 4inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo.

  • 24Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.

  • 2laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.

  • 13¶ Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.

  • 11Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,

  • 20Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.

  • 12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.

  • 50¶ Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta.

  • 8Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno.

  • 19iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa

  • 12Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira.

  • 24Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed.

  • 1¶ Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh.