Sakaryaah 4:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 32:7-8 : 7 Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira. 8 Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
  • Ish 11:2-4 : 2 oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga. 3 Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono, 4 laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa.
  • Hos 1:7 : 7 Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.
  • Sab 33:16 : 16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
  • 2 Kor 10:4-5 : 4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo. 5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
  • Sab 33:20-21 : 20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan. 21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
  • Sab 20:6-8 : 6 Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday, Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah, Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig. 7 Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah. 8 Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
  • Ish 30:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay dadka caasiyiinta ah oo talo aan iga iman ku talaggala, oo heshiis sameeya laakiinse aan xagga Ruuxayga ahayn, si ay dembiba dembi ugu sii daran,
  • 2 Taar 14:11 : 11 Markaasaa Aasaa u qayshaday Rabbiga Ilaahiisa ah oo yidhi, Rabbiyow, adiga mooyaane ma jiro mid u kala hiilin kara kan itaalka badan iyo kan aan xoogga lahayn. Rabbiyow Ilaahayagow, na caawi, waayo, waannu isku kaa hallaynaynaa, oo magacaaga ayaannu dadkan badan ugu soo baxnay. Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahayaga, haddaba ninna yuusan kaa adkaan.
  • 1 Kor 2:4-5 : 4 Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga, 5 inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
  • Ish 32:15 : 15 ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.
  • Yex 37:11-14 : 11 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay. 12 Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil. 13 Dadkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 14 Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sab 44:3-7 : 3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd. 4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar. 5 Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca. 6 Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso. 7 Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
  • Cesr 5:2 : 2 Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.
  • 1 But 1:12 : 12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.
  • Xag 2:2-5 : 2 Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa, 3 Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka? 4 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa, 5 sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.
  • Tir 27:16 : 16 Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,
  • Ish 63:10-14 : 10 Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray. 11 Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay, 12 kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto? 13 Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon? 14 Sidii lo' dooxada hoos ugu dhaadhacaysa ayaa Ruuxa Rabbigu iyaga u nasiyey. Oo sidaas oo kalaad dadkaagii u hoggaamisay inaad magac ammaan badan samaysatid.
  • Sak 9:13-15 : 13 Waayo, dadka Yahuudah sida qaanso baan u xootay, oo reer Efrayim sida fallaadh oo kale ayaan qaansadii u gashaday. Siyoonay, wiilashaada waan kicin doonaa, Gariigow, iyagaan ku kicin doonaa wiilashaada, oo waxaan kaaga dhigi doonaa sida seef nin xoog badanu haysto. 14 ¶ Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed. 15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 4:7-11
    5 aayado
    83%

    7Buurtan weynay, kumaad tahay? Serubaabel hortiisa waxaad ku noqon doontaa bannaan. Oo isna wuxuu soo bixin doonaa dhagaxa madaxa ah isagoo dhawaaqaya oo leh, Ammaan ha u ahaato, ammaan ha u ahaato.

    8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

    9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

    10Waayo, bal yaa quudhsaday maalinta waxyaalaha yaryar? Waayo, iyagu way rayrayn doonaan, oo waxay arki doonaan xadhigga miisaanka oo ku jira gacanta Serubaabel, waana toddobadan oo ah indhihii Rabbiga. Iyagu dhulka oo dhan ayay hore iyo dibba u fiiriyaan.

    11Markaasaan jawaabay, oo waxaan isagii ku idhi, Waa maxay labadan geed oo saytuunka ah oo ku yaal laambadda dhankeeda midig iyo dhankeeda bidixba?

  • Xag 2:2-7
    6 aayado
    79%

    2Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

    3Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka?

    4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

    5sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.

    6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.

    7Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • Sak 4:4-5
    2 aayado
    78%

    4Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

    5Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • Xag 1:12-15
    4 aayado
    76%

    12¶ Markaasaa Serubaabel ina Salaatii'eel, iyo wadaadkii sare oo ahaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq, iyo dadka intiisii hadhay oo dhammu waxay addeeceen codkii Rabbiga Ilaahooda ah, iyo erayadii Nebi Xaggay, waayo, Rabbiga Ilaahooda ah ayaa isaga soo diray, oo dadkiina Rabbiga hortiisa ayaa cabsi ku gashay.

    13Markaasaa Xaggay oo ahaa wargeeyihii Rabbiga dadkii u sheegay farriintii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa.

    14Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,

    15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.

  • 23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.

  • Xag 1:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.

    3Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay oo wuxuu yidhi,

  • 9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 4Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,

  • Cesr 4:3-4
    2 aayado
    72%

    3Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.

    4Markaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen,

  • Xag 2:20-21
    2 aayado
    72%

    20¶ Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi,

    21La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

  • 8¶ Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah, isagoo leh,

  • Xag 2:9-10
    2 aayado
    70%

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

    10¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

  • 20Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog.

  • 12Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa.

  • 11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

  • 13Oo isna wuu ii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 15Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

  • 18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

  • Xag 1:7-9
    3 aayado
    69%

    7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

    8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.

  • 6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

  • Cesr 5:2-3
    2 aayado
    68%

    2Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

  • 7¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii kow iyo tobnaad, taasoo ah bisha Shebaad maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii siddeedaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 20Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.

  • 15Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.

  • 8Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.

  • 5Kolkaasaa malaggii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa samada afarteeda dabaylood, oo ka soo baxa meeshay Sayidka dhulka oo dhan ku hor taagnaayeen.