Xaggay 1:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Serubaabel ina Salaatii'eel, iyo wadaadkii sare oo ahaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq, iyo dadka intiisii hadhay oo dhammu waxay addeeceen codkii Rabbiga Ilaahooda ah, iyo erayadii Nebi Xaggay, waayo, Rabbiga Ilaahooda ah ayaa isaga soo diray, oo dadkiina Rabbiga hortiisa ayaa cabsi ku gashay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 50:10 : 10 ¶ Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.
  • Xag 1:14 : 14 Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,
  • Xag 2:2 : 2 Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,
  • Bil 22:12 : 12 Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.
  • Cesr 5:2 : 2 Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.
  • Sab 112:1 : 1 Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
  • Maah 1:7 : 7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
  • Wacd 12:13 : 13 ¶ Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.
  • Sharc 31:12 : 12 Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,
  • Ish 55:10-11 : 10 Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna, 11 sidaas oo kaluu ereygii afkayga ka soo baxaa noqon doonaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qasdiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray.
  • Xag 1:1 : 1 ¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,
  • Fal 9:31 : 31 ¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
  • Kol 1:6 : 6 Kaasu waa idiin yimid, xataa siduu ugu yimid dunida oo dhan isagoo midho dhalaya oo kordhaya, sida uu idinkana midho idiinku dhalayo oo idiinku kordhayo, tan iyo maalintii aad maqasheen oo aad ogaateen nimcada Ilaah oo runta ku jirta.
  • 1 Tes 1:5-6 : 5 waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin. 6 Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.
  • 1 Tes 2:13-14 : 13 ¶ Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan. 14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,
  • Cib 12:28 : 28 Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahadnaqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xag 2:1-5
    5 aayado
    85%

    1¶ Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi,

    2Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

    3Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka?

    4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

    5sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.

  • Xag 1:1-4
    4 aayado
    85%

    1¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.

    3Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay oo wuxuu yidhi,

    4Ma idiin tahay wakhti aad ku hoyataan guryihiinna saqafka loo yeelay, iyadoo guriganu uu dunsan yahay?

  • Xag 1:13-15
    3 aayado
    84%

    13Markaasaa Xaggay oo ahaa wargeeyihii Rabbiga dadkii u sheegay farriintii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa.

    14Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,

    15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.

  • Cesr 5:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Haddaba nebiyadii ahaa Nebi Xaggay, iyo Sekaryaah ina Iddo ayaa wax u sii sheegay Yuhuuddii degganayd Yahuudah iyo Yeruusaalem, oo magaca Ilaaha reer binu Israa'iil ayay wax ugu sii sheegeen.

    2Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

  • Cesr 3:8-9
    2 aayado
    76%

    8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.

    9Markaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi.

  • Xag 2:9-11
    3 aayado
    75%

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

    10¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,

    11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,

  • Xag 2:20-21
    2 aayado
    75%

    20¶ Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi,

    21La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,

  • Cesr 3:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.

    2Markaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah.

  • 11Oo anigu abaar baan u yeedhay, oo waxaan ku soo dejiyey dhulka, iyo buuraha, iyo hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo waxaa dhulka ka soo baxa, iyo dadka, iyo duunyada, iyo hawsha gacmaha oo dhan.

  • Cesr 4:1-4
    4 aayado
    73%

    1¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    2ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.

    3Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.

    4Markaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen,

  • 14Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.

  • Sak 4:8-9
    2 aayado
    72%

    8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

    9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

  • Xag 2:14-15
    2 aayado
    71%

    14Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.

    15Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga,

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,

  • 1¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii siddeedaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 2oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

  • 20Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • Sak 1:6-7
    2 aayado
    70%

    6Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.

    7¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii kow iyo tobnaad, taasoo ah bisha Shebaad maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 11Oo waxaad iyaga ka qaaddaa lacag iyo dahab, oo waxaad ka samaysaa taaj, oo waxaad madaxa u saartaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare.

  • 2Haddaba reer Beytel waxay soo direen Shareser iyo Regem Meleg iyo raggoodiiba inay Rabbiga baryaan,

  • 23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.

  • 6Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga.

  • 8Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.

  • 7Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.

  • 7oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

  • 12Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.