Rooma 13:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Titus 3:1 : 1 ¶ Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,
  • 1 But 2:13-17 : 13 ¶ Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan, 14 amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala. 15 Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada, 16 idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah. 17 Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.
  • Yoox 19:11 : 11 Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.
  • Ef 5:21 : 21 Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.
  • Mat 6:13 : 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
  • 2 But 2:10-11 : 10 khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan. 11 Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan.
  • Yuud 1:8 : 8 ¶ Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan.
  • Maah 8:15-16 : 15 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan. 16 Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna Anigay wax iigu taliyaan.
  • Daan 2:21 : 21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
  • Daan 4:32 : 32 Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.
  • Daan 5:18-23 : 18 ¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo, 19 oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey. 20 Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday. 21 Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo. 22 ¶ Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd; 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
  • Yer 27:5-8 : 5 Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman. 6 Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan. 7 Oo quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona. 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
  • 1 Taar 28:4-5 : 4 Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan. 5 Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.
  • Sab 62:11 : 11 Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,
  • Muj 1:5 : 5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,
  • Muj 17:14 : 14 Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.
  • Muj 19:16 : 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.
  • Sharc 17:12 : 12 Oo ninkii kibra oo diidaa inuu maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka, ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan.
  • 1 Sam 2:8 : 8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 13:2-7
    6 aayado
    89%

    2Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun.

    3Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga.

    4Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya.

    5Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna.

    6Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas.

    7Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.

  • 82%

    13¶ Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan,

    14amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala.

    15Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada,

  • 1¶ Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,

  • 1 Tim 2:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan,

    2khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasilloon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh.

    3Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.

  • 72%

    17Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.

    18¶ Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan.

  • 22Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.

  • 17¶ Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.

  • 4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

  • 7Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye.

  • 39laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan.

  • 67%

    27Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.

    28Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.

  • 24Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.

  • 3Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa.

  • 32Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.

  • 1 But 5:5-6
    2 aayado
    66%

    5Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.

    6¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.

  • Ef 6:9-10
    2 aayado
    66%

    9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.

    10¶ Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.

  • 1¶ Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.

  • 15muuqashadaas uu wakhtigiisa muujin doono, kan ammaanta leh oo keligiis xoogga leh, oo ah Boqorka boqorrada iyo Sayidka sayidyada,

  • 20Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog.

  • 25Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.

  • 66%

    5¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.

  • Ef 5:21-22
    2 aayado
    66%

    21Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.

    22¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.

  • 11maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.

  • Ef 1:21-22
    2 aayado
    66%

    21Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.

    22Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,

  • 28Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.

  • 11Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

  • 1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.

  • 24Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed.

  • 10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

  • 11Waayo, waxaa qoran, Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.

  • 22Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.

  • 11iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.

  • 7Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.

  • 16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.

  • 12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.