Efesos 1:21
Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.
Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
18Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,
19iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa
20ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.
22Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,
23taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
9Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;
10in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan,
11iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.
9iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.
10Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
11sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix,
15Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan;
16waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay.
17Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan.
18Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba.
19Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto,
20iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.
8Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
9Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya?
10Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.
9waayo, buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu waa ku jirtaa isagoo jidh leh,
10oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.
10oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.
6Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix,
7si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix.
18inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida,
19iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
20¶ Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
21isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.
15Isagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.
3¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
22Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.
27Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.
28Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.
8Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,
12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
8Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay. Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey.
15kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,
16in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
6iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
24Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed.
1¶ Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.
11Weliba waxaannu Ilaah baryaynaa inaad ku xoogaysataan xoog oo dhan sida uu yahay itaalka ammaantiisu xagga adkaysashada iyo dulqaadashada farxaddu la jirto oo dhan.
2kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada.
25isagoo ah Ilaaha keligiis ah oo Badbaadiyeheenna ah, ammaan iyo weynaan iyo xoog iyo amar ha u ahaadeen xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, wakhtiga oo dhan ka hor iyo haatan iyo weligeedba. Aamiin.
12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.
13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,
30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
13Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood.