Filiboy 2:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 28:18 : 18 Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.
  • Cib 2:9 : 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.
  • 1 But 3:22 : 22 Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.
  • Cib 1:4 : 4 isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.
  • Ish 52:13 : 13 ¶ Bal eega, addoonkaygu caqli buu yeelan doonaa, oo waa la sarraysiin doonaa, oo kor baa loo kicin doonaa, wuxuuna noqon doonaa mid aad u sarreeya.
  • Sab 110:5 : 5 Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
  • Sab 91:14 : 14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
  • Sab 110:1 : 1 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
  • Luuk 10:22 : 22 Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
  • Ish 53:12 : 12 Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
  • Room 14:9-9 : 9 Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba. 10 Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah. 11 Waayo, waxaa qoran, Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.
  • Muj 19:16 : 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.
  • Cib 12:2 : 2 innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
  • 2 But 1:17 : 17 Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
  • Muj 1:5 : 5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,
  • Muj 3:21 : 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.
  • Muj 5:12 : 12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • 1 Kor 15:24-27 : 24 Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed. 25 Waayo, waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo. 26 Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho. 27 Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.
  • Ef 1:20-23 : 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. 22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda, 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
  • Kol 1:18 : 18 Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba.
  • Daan 2:44-45 : 44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa. 45 Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
  • Daan 7:14 : 14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
  • Mat 11:27 : 27 ¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
  • Yoox 3:35-36 : 35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey. 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
  • Yoox 5:22-27 : 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray. 24 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha.
  • Yoox 13:3 : 3 Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,
  • Yoox 17:1-3 : 1 ¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano, 2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
  • Yoox 17:5 : 5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.
  • Fal 2:32-36 : 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay. 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso 35 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo. 36 ¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
  • Fal 5:31 : 31 Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.
  • Ish 9:7 : 7 Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.
  • Ish 49:6-8 : 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho. 7 Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis. 8 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,
  • Sab 2:6-9 : 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon. 7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay. 8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa. 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha. 10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha. 11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya. 12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
  • Sab 8:5-8 : 5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad. 6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay, 7 Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba, 8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
  • Sab 45:6-7 : 6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada. 7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
  • Sab 69:29-30 : 29 Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto. 30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
  • Sab 72:17-19 : 17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan. 18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan, 19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.
  • Sab 89:27 : 27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fil 2:10-11
    2 aayado
    85%

    10in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan,

    11iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.

  • Ef 1:19-22
    4 aayado
    80%

    19iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa

    20ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.

    21Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.

    22Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,

  • Fil 2:5-8
    4 aayado
    79%

    5¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.

    6Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,

    7laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg,

    8oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto.

  • Cib 2:7-10
    4 aayado
    74%

    7Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha. Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad, Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,

    8Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay. Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey.

    9Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.

    10Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.

  • Ef 4:8-10
    3 aayado
    73%

    8Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.

    9Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya?

    10Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.

  • Cib 1:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,

    4isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.

  • 12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

  • 71%

    6Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix,

  • 22Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.

  • 18Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba.

  • Fal 2:32-34
    3 aayado
    71%

    32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.

    33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.

    34Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso

  • 31Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.

  • Ef 3:14-15
    2 aayado
    70%

    14¶ Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa,

    15kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,

  • 28Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.

  • 5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

  • 11Waayo, waxaa qoran, Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.

  • 69%

    27Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.

    28Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.

  • 69%

    3¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,

  • 15Isagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.

  • 20Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 36¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.

  • 17Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.

  • 16Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.

  • 11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.

  • 12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

  • 23in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.

  • 15Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan;

  • 32Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa.

  • 13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

  • 9¶ Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,

  • 3Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.