Cibraaniyiintii 2:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha. Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad, Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 8:5 : 5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 8:3-7
    5 aayado
    94%

    3Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,

    4Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?

    5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

    6Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,

    7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

  • Cib 2:5-6
    2 aayado
    84%

    5¶ Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin.

    6Laakiin mid baa meel ka marag furay isagoo leh, Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha, oo aad u soo booqataa?

  • Cib 2:8-10
    3 aayado
    83%

    8Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay. Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey.

    9Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.

    10Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.

  • 13Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Midigtayda fadhiiso Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo?

  • Cib 1:2-10
    9 aayado
    75%

    2laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.

    3Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,

    4isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.

    5¶ Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?

    6Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen.

    7Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi, Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo, Kuwa u adeegana dab ololkiis.

    8Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.

    9Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.

    10Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,

  • 17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

  • Sab 21:5-6
    2 aayado
    74%

    5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.

    6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.

  • 3Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.

  • 27Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.

  • 22Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,

  • Fal 2:34-35
    2 aayado
    71%

    34Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso

    35Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

  • Sab 82:6-7
    2 aayado
    71%

    6Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.

    7Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.

  • 5Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;

  • 17Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.

  • 25Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.

  • 44Iftiinkiisii waad demisay, Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.

  • 7laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg,

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 7Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

  • 26Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.

  • 22Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.

  • 3Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?

  • 10oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.

  • 4Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

  • 11Rabbigayagow, Ilaahayagow, adigu waad istaahishaa inaad heshid ammaanta iyo cisada iyo xoogga, waayo, wax kasta adaa abuuray, maxaa yeelay, doonistaada aawadeed ayay u ahaadeen oo u abuurmeen.

  • 8Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

  • 1Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.

  • 14Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.

  • 42Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.

  • 10waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan,