Sabuurradii 21:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 12:30 : 30 Boqorkoodii madaxiisii ayuu taajkii ka qaaday, oo miisaankiisuna wuxuu ahaa talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa; markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa.
  • 1 Taar 20:2 : 2 Markaasaa Daa'uud boqorkoodii madaxiisii taajkii ka qaaday, oo wuxuu ogaaday in miisaankiisu yahay talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa, markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa.
  • 2 Taar 6:41 : 41 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.
  • Ayuub 41:11 : 11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa? Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
  • Sab 18:18 : 18 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
  • Sab 31:19 : 19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
  • Sab 59:10 : 10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
  • Room 2:4 : 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?
  • Room 11:35 : 35 Yaase awil wax siiyey oo loo abaalgudi doonaa?
  • Ef 1:3 : 3 ¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
  • Cib 2:9 : 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.
  • Muj 19:12 : 12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.
  • 1 Sam 16:13 : 13 Markaasaa Samuu'eel qaaday geeskii saliiddu ku jirtay, wuuna ku subkay isagoo walaalihiis dhex jooga; oo maalintaas intii ka dambaysay Ruuxii Rabbigu aad buu ugu soo degay Daa'uud. Dabadeedna Samuu'eel wuu kacay, oo Raamaah buu tegey.
  • 2 Sam 2:4 : 4 Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah. Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad.
  • 2 Sam 5:3 : 3 Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 21:1-2
    2 aayado
    81%

    1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

    2Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)

  • Sab 21:4-6
    3 aayado
    80%

    4Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.

    5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.

    6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.

  • Sab 8:5-6
    2 aayado
    73%

    5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

    6Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,

  • Bax 29:6-7
    2 aayado
    72%

    6oo duubkana waa inaad madaxiisa saartaa, oo taajka quduuska ahna duubka saar.

    7Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo madaxiisa ku shub, oo ugu subag isaga.

  • 7Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha. Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad, Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,

  • 2Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.

  • 9Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.

  • 4Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,

  • 3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.

  • 12Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.

  • 4Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.

  • 12Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.

  • Sab 61:6-7
    2 aayado
    70%

    6Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.

    7Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.

  • 5Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.

  • 3Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 13Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.

  • 12Oo sangelis baan kuu sudhay, oo dhegahaagana hilqado baan ka lulay, oo madaxana taaj qurux badan baan kuu saaray.

  • 8Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.

  • 24Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 11Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.

  • 7Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.

  • 17Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.

  • 7Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.

  • 11Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

  • 11oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 10Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen.

  • 9Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.

  • 2Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.

  • 3Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

  • 11Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah Oo lacag laga taagay.

  • 7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • Sab 89:42-43
    2 aayado
    68%

    42Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.

    43Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa, Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.

  • 19Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.

  • 28Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.

  • 9Oo madaxana wuxuu u saaray duub, oo duubka dhankiisa horena wuxuu ku dhejiyey waslad khafiif ah oo dahab ah oo ah taajka quduuska ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 13Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed, Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan. Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday. Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)

  • 20Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.

  • 9Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.

  • 9Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.

  • 15Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,

  • 5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

  • 4Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.

  • 38Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.