Falimaha Rasuullada 2:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 21:6 : 6 Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
  • Sab 16:11 : 11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
  • Sab 17:15 : 15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
  • Sab 21:4 : 4 Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
  • Sab 4:6-7 : 6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi. 7 Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
  • Sab 25:4 : 4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
  • Sab 42:5 : 5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
  • Maah 2:19 : 19 Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
  • Maah 8:20 : 20 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
  • Yoox 11:25-26 : 25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. 26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
  • Yoox 14:6 : 6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
  • Cib 12:2 : 2 innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 16:8-11
    4 aayado
    81%

    8Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.

    9Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.

    10Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.

    11Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

  • 6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.

  • Fal 2:25-27
    3 aayado
    78%

    25Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.

    26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.

    27Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.

  • Sab 116:8-9
    2 aayado
    75%

    8Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.

    9Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.

  • 11Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,

  • 29¶ Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal.

  • 4Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

  • Sab 31:7-8
    2 aayado
    74%

    7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

    8Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga, Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.

  • Sab 4:6-7
    2 aayado
    74%

    6Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.

    7Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.

  • Sab 71:20-21
    2 aayado
    73%

    20Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.

    21Weynaantayda ii sii kordhi, Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.

  • Sab 41:11-12
    2 aayado
    73%

    11Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay, Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.

    12Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.

  • 12Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.

  • 8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • Fal 13:34-35
    2 aayado
    72%

    34Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.

    35Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.

  • 12Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo, Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.

  • 15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 8I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.

  • 3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

  • 24Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.

  • 15Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,

  • 13Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool.

  • 9Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.

  • 37Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

  • 4Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.

  • Sab 18:35-36
    2 aayado
    71%

    35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.

    36Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

  • 20Weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan; Wuu i samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.

  • 28Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.

  • 14Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,

  • 2Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)

  • 7Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)

  • 16Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay, Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan. Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.

  • 3Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.

  • 21Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,

  • 29Waayo, Rabbiyow, waxaad tahay laambaddayda; Oo Rabbiga ayaa gudcurkayga iftiiminaya.

  • 23Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.

  • 1Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.

  • 5Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan

  • 1Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.