Falimaha Rasuullada 2:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 16:8-9 : 8 Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda. 9 Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa. 10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko. 11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
  • Sab 62:6 : 6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
  • Ish 50:7-9 : 7 Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharafjabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin. 8 Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado. 9 Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.
  • Ish 41:13 : 13 Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.
  • Sab 109:31 : 31 Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
  • Sab 62:2 : 2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
  • Sab 30:6 : 6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
  • Sab 21:7 : 7 Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
  • Sab 110:5 : 5 Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
  • Sab 73:23 : 23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
  • Yoox 16:32 : 32 Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha.
  • Fal 2:29-30 : 29 ¶ Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal. 30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,
  • Fal 13:32-36 : 32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday, 33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay. 34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday. 35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo. 36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 16:8-11
    4 aayado
    84%

    8Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.

    9Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.

    10Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.

    11Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

  • Fal 2:33-35
    3 aayado
    81%

    33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.

    34Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso

    35Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

  • 24Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin.

  • 42Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,

  • Fal 2:26-31
    6 aayado
    77%

    26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.

    27Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.

    28Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.

    29¶ Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal.

    30Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,

    31wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag.

  • 76%

    36Daa'uud qudhiisuna, isagoo Ruuxa Quduuskaa ku hadlaya, ayuu wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

    37¶ Daa'uud qudhiisa ayaa ugu yeedhay Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay? Dadkii badnaana farxad bay ku maqleen.

  • Fal 13:33-37
    5 aayado
    75%

    33oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.

    34Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.

    35Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.

    36Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;

    37laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.

  • 1Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.

  • Mat 22:43-44
    2 aayado
    74%

    43Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,

    44Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

  • 5Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.

  • 17Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.

  • Fal 7:55-56
    2 aayado
    73%

    55Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,

    56oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.

  • 31Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.

  • 69Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.

  • 16Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

  • 12Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.

  • 23Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.

  • 25Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.

  • Sab 118:6-7
    2 aayado
    69%

    6Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?

    7Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.

  • 5Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.

  • 13Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Midigtayda fadhiiso Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo?

  • 21Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.

  • 25kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?

  • 6Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.

  • 15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 2oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

  • 31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 7Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharafjabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin.

  • 24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

  • 13Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.

  • 2Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.