Falimaha Rasuullada 7:55

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 6:5 : 5 Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay.
  • Cib 1:3 : 3 Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,
  • Miik 3:8 : 8 Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.
  • Mark 16:19 : 19 ¶ Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.
  • Yoox 12:41 : 41 Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.
  • Sab 109:31-110:1 : 31 Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma. 1 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
  • Ish 6:1-3 : 1 ¶ Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey. 2 Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay. 3 Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.
  • Yex 10:4 : 4 Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.
  • Fal 1:10-11 : 10 Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba, 11 oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.
  • Fal 2:4 : 4 Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.
  • Yex 11:23 : 23 Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
  • Fal 6:3 : 3 Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan.
  • Fal 6:10 : 10 Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.
  • Fal 13:9-9 : 9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey, 10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?
  • 2 Kor 4:6 : 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
  • 2 Kor 12:2-4 : 2 Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 3 Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 4 Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo.
  • Cib 8:1 : 1 ¶ Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,
  • Muj 4:1-3 : 1 ¶ Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan. 2 Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey, 3 oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud.
  • Muj 21:11 : 11 oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale;
  • 2 But 1:17 : 17 Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
  • Fal 6:8 : 8 ¶ Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.
  • Fal 4:8 : 8 Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,
  • Yex 10:18 : 18 Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.
  • Yex 1:26-28 : 26 Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg. 27 Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya. 28 Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
  • Yoox 14:3 : 3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 7:56-60
    5 aayado
    93%

    56oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.

    57Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.

    58Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.

    59Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.

    60Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

  • Fal 2:32-34
    3 aayado
    80%

    32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.

    33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.

    34Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso

  • 15Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.

  • Fal 1:8-11
    4 aayado
    75%

    8Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

    9Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.

    10Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,

    11oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.

  • 19¶ Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.

  • 9Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,

  • 69Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.

  • 25Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.

  • 54¶ Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.

  • 64Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.

  • Fal 5:30-31
    2 aayado
    71%

    30Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen.

    31Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.

  • 62Ciise baa yidhi, Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka.

  • 7Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.

  • Fal 22:13-15
    3 aayado
    71%

    13ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii.

    14Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.

    15Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • Fal 14:9-10
    2 aayado
    70%

    9Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,

    10wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.

  • 22¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,

  • 2ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.

  • 8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

  • Fal 3:7-9
    3 aayado
    69%

    7Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen.

    8Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.

    9Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya;

  • 12oo wuxuu arkay nin la yidhaahdo Ananiyas isagoo u soo gelaya oo gacmihiisa dul saaraya inuu araggiisii helo.

  • 22Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.

  • 16Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;

  • 17Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

  • 17¶ Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.

  • 52Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.

  • 24maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay.

  • 11Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.

  • 20oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

  • 38iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii.

  • 11Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda.

  • 8¶ Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.

  • 3Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.

  • 17¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

  • 11Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.