Luukos 1:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 40:26-27 : 26 Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa, 27 oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Laaw 16:13 : 13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.
  • Xaak 13:3 : 3 Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.
  • Xaak 13:9 : 9 Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.
  • Luuk 1:19 : 19 Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.
  • Luuk 1:28 : 28 Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.
  • Luuk 2:10 : 10 Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.
  • Fal 5:19 : 19 Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,
  • Fal 10:3-4 : 3 Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow. 4 Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.
  • Cib 1:14 : 14 Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?
  • Muj 8:3-4 : 3 ¶ Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil. 4 Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.
  • Muj 9:13 : 13 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,
  • Bax 30:1-9 : 1 ¶ Oo waxaad samaysaa meel allabari oo foox lagu shido; waxaadna ka samaysaa qori qudhac ah. 2 Oo dhererkeeduna ha ahaado dhudhun, ballaadhkeeduna ha ahaado dhudhun, afar geesoodna waa inay lahaataa, sarajooggeeduna ha ahaado laba dhudhun, oo geesaheeduna waa inay isku waslad la ahaadaan. 3 Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 4 Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa. 5 Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa. 6 Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono. 7 Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido. 8 Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab. 9 Oo waa inaydnaan dusheeda ku bixin foox qalaad, ama qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, oo dusheedana ha ku daadinina qurbaan cabniin ah. 10 Geesaheedana sannaddiiba mar Haaruun waa inuu ku dul kafaaro gudo; oo dhiigga allabariga dembiga oo kafaaraggud ah sannaddiiba mar waa inuu ku kafaaro gudo tan iyo ka ab ka ab. Waa kan ugu wada quduusan Rabbiga.
  • Bax 37:25-29 : 25 ¶ Oo meeshii allabariga ee fooxana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, oo afar geesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa laba dhudhun, oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen. 26 Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 27 Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa. 28 Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay. 29 Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 1:12-14
    3 aayado
    80%

    12Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.

    13Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.

    14Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,

  • Luuk 1:8-10
    3 aayado
    80%

    8¶ Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,

    9sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.

    10Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.

  • Luuk 1:17-19
    3 aayado
    77%

    17Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.

    18Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.

    19Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.

  • Muj 8:3-5
    3 aayado
    74%

    3¶ Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.

    4Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.

    5Markaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.

  • 9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.

  • Luuk 1:5-6
    2 aayado
    72%

    5¶ Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.

    6Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.

  • 26¶ Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray

  • Luuk 1:66-67
    2 aayado
    72%

    66Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

    67¶ Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,

  • 20Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.

  • Luuk 1:28-30
    3 aayado
    71%

    28Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.

    29Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?

    30Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.

  • Luuk 1:21-22
    2 aayado
    70%

    21Dadkuna waxay sugayeen Sakariyas, oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay.

    22Markuu soo baxay ayuu la hadli kari waayay, markaasay garteen inuu macbudka wax ku arkay. Kolkaasuu gacanta ugu sii tilmaamayay iyaga, isagoo sii carrab la'.

  • 3Oo bal eeg, malaggii ila hadlay ayaa baxay, oo malag kale ayaa u baxay inuu isaga ka hor tago.

  • 43Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.

  • Sak 4:1-4
    4 aayado
    70%

    1¶ Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.

    2Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal.

    3Oo agteedana waxaa ku yaal laba geed oo saytuun ah, oo mid wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda midig, oo kan kalena wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda bidix.

    4Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

  • Luuk 1:40-41
    2 aayado
    70%

    40oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed.

    41Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.

  • 3Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur.

  • 15Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.

  • 13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

  • 11Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa.

  • 3Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.

  • 1¶ Markaasaa waxaa lay siiyey cawsduur ul u eg, oo waxaa laygu yidhi, Sara joogso, oo qiyaas macbudka Ilaah, iyo meesha allabariga, iyo kuwa Ilaah ku caabuda meeshaas.

  • 1¶ Markaasaa waxaa Yahuudah ka yimid nin Ilaah oo Eraygii Rabbiga ku yimid Beytel; oo Yaaraabcaamna wuxuu ag taagnaa meeshii allabariga inuu foox shido aawadeed.

  • 3Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow.

  • 22Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.

  • 55Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,

  • 75Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.

  • 11Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen,

  • 1¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.

  • 59Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas.

  • 36Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

  • 12Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu.

  • 24Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay.

  • 10Oo ninkii geedaha hadaaska ah dhex taagnaa ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa kuwii Rabbigu u diray inay dhulka hore iyo dib u dhex maraan.