Rooma 12:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 But 3:9 : 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
  • Maah 16:32 : 32 Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
  • Luuk 6:27-30 : 27 ¶ Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya. 28 Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya. 29 Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin. 30 Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

    18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.

    19Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.

    20Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah.

  • 15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

  • 74%

    21Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,

    22Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.

  • 1 But 3:9-11
    3 aayado
    74%

    9Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

    10Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

    11Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;

  • 39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,

  • 16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

  • 13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • 21Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.

  • Mat 5:43-44
    2 aayado
    71%

    43¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid,

    44laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,

  • Luuk 6:27-29
    3 aayado
    71%

    27¶ Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.

    28Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.

    29Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.

  • 1Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

  • 19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • Maah 3:29-30
    2 aayado
    70%

    29Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

    30Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.

  • 11Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.

  • 35Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

  • Ef 4:26-27
    2 aayado
    70%

    26Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan.

    27Ibliiskana meel ha siinina.

  • 22Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.

  • 29Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

  • 20Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.

  • 21Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.

  • 9¶ Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.

  • 17Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

  • 17Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.

  • 11Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.

  • 13¶ Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona?

  • 2Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.

  • 19Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 1Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.

  • 27Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.

  • 8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

  • 35Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah.

  • 21Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.

  • 14Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

  • 13Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.

  • 11Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.

  • 33Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan.