Rooma 12:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 But 1:14 : 14 Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii;
  • 2 Kor 5:17 : 17 Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
  • Kol 3:10 : 10 oo waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray.
  • Ef 4:22-24 : 22 Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada; 23 oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna, 24 oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
  • 1 Yoox 2:15-17 : 15 Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. 16 Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. 17 Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.
  • Room 12:1 : 1 ¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.
  • Ef 5:17 : 17 Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.
  • Yex 36:26 : 26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.
  • Yoox 15:19 : 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay.
  • 1 But 4:2 : 2 si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.
  • Titus 3:5 : 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,
  • Yac 1:27 : 27 Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
  • Yac 4:4 : 4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa.
  • Maah 3:1-4 : 1 Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo, 2 Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad. 3 Naxariista iyo runtu yaanay kaa tegin, Iyaga qoorta ku xidh, Oo looxa qalbigaaga ku qor, 4 Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.
  • Room 13:14 : 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
  • 2 Kor 4:4 : 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.
  • Maah 3:13-18 : 13 Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya. 14 Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah. 15 Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo. 16 Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf. 17 Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad. 18 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
  • 1 Tes 4:3 : 3 Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan,
  • Sab 51:10 : 10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
  • Sab 19:7-9 : 7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa. 8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa. 9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood. 10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka. 11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
  • 2 But 1:4 : 4 Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.
  • 1 Yoox 5:19 : 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh.
  • Ef 4:17-20 : 17 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda. 18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah. 19 Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan. 20 Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran,
  • Kol 4:12 : 12 Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.
  • Sab 34:8 : 8 Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
  • Sab 119:47-48 : 47 Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday. 48 Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
  • Yoox 17:14 : 14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
  • Kol 1:21-22 : 21 Idinku waa hore waxaad ahaydeen kuwo ajanabi laga dhigay, oo maankiinnana cadow baad ka ahaydeen xagga shuqulladiinna sharka ah, 22 laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn,
  • Gal 5:22-23 : 22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, 23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
  • Gal 1:4 : 4 kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.
  • 1 Kor 3:19 : 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,
  • Room 7:12 : 12 Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.
  • Yex 18:31 : 31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
  • Sab 119:128 : 128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
  • 2 But 2:20 : 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.
  • 1 Yoox 3:13 : 13 ¶ Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay.
  • 1 Yoox 4:4-5 : 4 Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira. 5 Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa.
  • Muj 13:8 : 8 Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.
  • Sab 119:174 : 174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
  • Laaw 18:29-30 : 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa. 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Yoox 7:7 : 7 Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.
  • Ef 5:9-9 : 9 waayo, midhaha nuurku waxay ku wada jiraan wanaag iyo xaqnimo iyo run oo dhan. 10 Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,
  • Ef 2:2 : 2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada.
  • 2 Kor 6:14-17 : 14 ¶ Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 17 Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.
  • 2 Tim 3:16-17 : 16 Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; 17 in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.
  • Muj 12:9 : 9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.
  • Yoox 14:30 : 30 Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha.
  • Ef 1:18 : 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,
  • Sab 119:97 : 97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
  • Room 7:14 : 14 ¶ Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.
  • Room 7:22 : 22 Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.
  • Sharc 18:9-9 : 9 ¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan. 10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala, 11 ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla. 12 Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa. 13 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan. 14 ¶ Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan.
  • Sab 119:103 : 103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
  • Sab 119:72 : 72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
  • Bax 23:2 : 2 Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,
  • 1 But 1:18 : 18 Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka,
  • 1 But 2:3 : 3 haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.

  • Ef 4:22-24
    3 aayado
    78%

    22Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada;

    23oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna,

    24oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.

  • 17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.

  • 17Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.

  • 2si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.

  • 10Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,

  • 15Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona.

  • 5¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.

  • Room 6:11-13
    3 aayado
    72%

    11Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.

    12¶ Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.

    13Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada.

  • 14Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 12oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,

  • 71%

    16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.

    17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

  • 18Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

  • 2 Kor 10:4-5
    2 aayado
    71%

    4waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.

    5Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,

  • 15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.

  • 11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

  • 70%

    13¶ Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo.

    14Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii;

  • 10oo waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray.

  • 12Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.

  • 2Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal.

  • 3¶ Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.

  • 17Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.

  • 10inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin ahaataan ilamaa maalinta Masiixa,

  • 12inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.

  • 2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

  • 9Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.

  • 12Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.

  • 6Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda,

  • 9¶ Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.

  • 14¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

  • 12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

  • 21Sidaas daraaddeed haddii nin iska daahirsho kuwan, kaasu wuxuu ahaan doonaa weel sharaf leh, oo quduus laga dhigay, oo sayidka wax u tara, oo shuqul kasta oo wanaagsan loo diyaariyey.

  • 11Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.

  • 4Nin askari ahi, si uu uga farxiyo kii isaga askari ahaanta u qortay, iskuma murgiyo axwaasha noloshan,

  • 22Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.

  • 21Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

  • 16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

  • 21kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.

  • 11Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.

  • 31kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.

  • 12Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada.