Cibraaniyiintii 12:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • 1 But 1:15-16 : 15 laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada, 16 maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay.
  • 1 But 3:11 : 11 Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
  • 3 Yoox 1:11 : 11 Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.
  • Room 14:19 : 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.
  • 1 Tes 4:7 : 7 Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan.
  • Room 6:22 : 22 Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.
  • Ef 5:5 : 5 Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.
  • Muj 22:11-15 : 11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo. 12 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay. 13 Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhammaadka. 14 Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan. 15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.
  • Muj 22:3-4 : 3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan, 4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda.
  • 1 But 3:13 : 13 ¶ Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona?
  • 2 But 3:11 : 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado,
  • 1 Tim 6:11 : 11 ¶ Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.
  • Cib 12:10 : 10 Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa.
  • Room 12:18 : 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
  • Ish 51:1 : 1 ¶ Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday.
  • Mat 5:8-9 : 8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan. 9 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.
  • Mark 9:50 : 50 Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.
  • Ayuub 19:26 : 26 Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
  • Ayuub 33:26 : 26 Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
  • Sab 34:14 : 14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
  • Sab 38:20 : 20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
  • Sab 94:15 : 15 Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
  • Sab 120:6 : 6 Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.
  • Sab 133:1 : 1 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
  • Maah 15:1 : 1 Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
  • Maah 16:7 : 7 Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis, Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
  • Maah 17:14 : 14 Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
  • Ish 11:6-9 : 6 Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar. 7 Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa. 8 Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada. 9 Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.
  • Luuk 1:75 : 75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
  • Bil 13:7-9 : 7 Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen. 8 Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo. 9 Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.
  • Bil 32:30 : 30 Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.
  • Yac 3:17-18 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
  • 2 Tim 2:22 : 22 Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah.
  • Fil 3:12 : 12 Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay.
  • 1 Tes 3:13 : 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.
  • 1 Tes 5:15 : 15 Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
  • 1 Kor 1:10 : 10 ¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.
  • 1 Kor 13:12 : 12 Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay.
  • 2 Kor 6:17 : 17 Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.
  • Gal 3:21 : 21 Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.
  • Gal 5:22-23 : 22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, 23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
  • Ef 4:1-8 : 1 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, 2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira. 7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa. 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
  • 2 But 3:18 : 18 Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.
  • 1 Yoox 3:2-3 : 2 Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay. 3 Oo mid kasta oo waxyaalahaas ka rajeeyaa isaga, naftiisuu daahiriyaa siduu isaguba daahir u yahay.
  • Muj 21:24-27 : 24 Oo quruumuhuna waxay ku dhex socon doonaan iftiinkeeda, oo boqorrada dhulkuna ammaantooda iyaday soo gelin doonaan. 25 Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono); 26 oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha; 27 oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane,

  • Cib 12:11-13
    3 aayado
    78%

    11Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.

    12¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar.

    13Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.

  • 19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.

  • 12inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

  • 74%

    17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

    18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.

  • 74%

    15laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada,

    16maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay.

    17Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.

  • 22Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah.

  • 14Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

  • 1¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.

  • 23¶ Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.

  • 72%

    11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

    12¶ Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo.

  • 7Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan.

  • 71%

    3Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda.

  • Cib 13:20-21
    2 aayado
    71%

    20¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,

    21kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • 14Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.

  • 11Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.

  • 17Jidka nabaddana ma yaqaaniin;

  • 9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.

  • 16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

  • 13inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.

  • 16In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.

  • 50Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.

  • 3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 14Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.

  • 17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.

  • 2oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen.

  • Yac 3:17-18
    2 aayado
    70%

    17Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.

    18Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.

  • 12oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,

  • 15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

  • 17Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.

  • 11Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;

  • 69%

    16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

    17Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa.

  • 31Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba;

  • 2Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.

  • 32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,

  • 2La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

  • 14inaad amarka ku xajisid iinla'aan iyo ceebla'aan ilaa Rabbigeenna Ciise Masiix muuqdo,

  • 5Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.