Galatiya 6:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Gal 3:29 : 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
  • Fil 3:3 : 3 waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
  • Room 9:6-8 : 6 ¶ Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha. 7 Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8 Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.
  • Gal 3:7-9 : 7 Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim. 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan. 9 Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.
  • 1 But 2:5-9 : 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix. 6 Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono. 7 Haddaba sidaas daraaddeed qaalinimada waxaa leh idinkoo ah kuwa rumaysan, laakiinse xagga kuwa aan rumaysnayn, Dhagaxii kuwa wax dhisa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka; 8 iyo Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay. 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • Room 4:12 : 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.
  • Room 2:28-29 : 28 Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha; 29 laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.
  • Gal 5:16 : 16 ¶ Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.
  • Gal 5:25 : 25 ¶ Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.
  • Tir 6:23-27 : 23 Haaruun iyo wiilashiisa la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaad sidan reer binu Israa'iil ugu ducaysaan, oo waxaad midkood kasta ku tidhaahdaan, 24 ¶ Rabbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro. 25 ¶ Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado. 26 ¶ Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo. 27 ¶ Oo sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.
  • Sab 73:1 : 1 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
  • Ish 45:25 : 25 Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
  • Hos 1:10 : 10 ¶ Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.
  • Yoox 1:47 : 47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
  • Yoox 14:27 : 27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.
  • Yoox 16:33 : 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
  • Room 1:7 : 7 Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
  • Sab 125:4-5 : 4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay. 5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
  • 1 Taar 12:18 : 18 Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada.
  • Fil 3:16 : 16 Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.
  • Fil 4:7 : 7 Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix.
  • Gal 1:3 : 3 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Gal 6:17-18
    2 aayado
    76%

    17¶ Hadda dabadeed ninna yuu i dhibin, waayo, waxaa jidhkayga ku yaal sumadihii Ciise.

    18¶ Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

  • Fil 3:16-17
    2 aayado
    72%

    16Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.

    17¶ Walaalayaalow, idinku kulligiin igu wada dayda, oo u fiirsada kuwa sidaas u socda xataa sidaad annaga masaal noogu haysataan.

  • 14¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

  • Gal 6:12-15
    4 aayado
    70%

    12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

    13Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.

    14Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.

    15Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.

  • Ef 6:23-24
    2 aayado
    70%

    23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.

    24Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.

  • 36Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood.

  • 16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

  • 33Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.

  • 6¶ Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha.

  • 11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

  • 5Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.

  • 15Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada.

  • 10Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga;

  • 14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

  • 15¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.

  • 10Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

  • 18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.

  • Gal 1:2-3
    2 aayado
    68%

    2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.

    3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,

  • 25¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 2Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa.

  • 23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • 6¶ Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,

  • 24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 16¶ Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.

  • 10In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga.

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 10Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;

  • 1¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.

  • 12Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.

  • 32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,

  • 4kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada,

  • 17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.

  • 7Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 17Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 26¶ Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.

  • 26oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • 11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.