Titus 3:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Kol 4:18 : 18 ¶ Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.
  • 1 Tim 1:2 : 2 waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • 1 Tim 1:5 : 5 Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.
  • 2 Tim 4:22 : 22 ¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.
  • Flm 1:5 : 5 waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.
  • Cib 13:25 : 25 ¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
  • 2 Yoox 1:1-2 : 1 ¶ Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan, 2 runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed.
  • 3 Yoox 1:1 : 1 ¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay.
  • Room 16:1-9 : 1 ¶ Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya, 2 inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda. 3 ¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix, 4 oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan. 5 Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa. 6 Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay. 7 Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray. 8 Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama. 9 Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama. 10 Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama. 11 Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira. 12 Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama. 13 Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah. 14 Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga. 15 Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan. 16 Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan. 17 ¶ Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta. 19 Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah. 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto. 21 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga. 22 Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa. 23 Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
  • 1 Kor 16:23 : 23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.
  • Gal 5:6 : 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
  • Ef 6:23-24 : 23 ¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid. 24 Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 13:24-25
    2 aayado
    84%

    24¶ Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.

    25¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 84%

    16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

    17¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.

    18Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

  • Ef 6:23-24
    2 aayado
    83%

    23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.

    24Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.

  • Fil 4:21-23
    3 aayado
    82%

    21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

    22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.

    23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.

  • 82%

    11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

    12¶ Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo.

    13Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.

    14¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.

  • 82%

    23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

    24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

  • 24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 28¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

  • 25¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 78%

    20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

    21¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

  • 18¶ Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

  • 18¶ Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.

  • 14Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.

  • 21¶ Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto quduusiinta oo dhan. Aamiin.

  • Gal 1:2-3
    2 aayado
    77%

    2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.

    3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,

  • 33Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 13¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.

  • 14Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.

  • 3Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

  • 75%

    2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

  • 75%

    14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

    15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 26¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

  • 3¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

  • 23¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,

  • 21¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.

  • 2waxaannu warqaddan u qoraynaa quduusiinta iyo walaalaha aaminka ah ee Masiixa ku jira oo Kolosay jooga. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah.

  • 7Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.