1 Korintos 16:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 16:16 : 16 Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
  • Room 16:21 : 21 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
  • Room 16:23 : 23 Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
  • 2 Kor 13:12-13 : 12 ¶ Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo. 13 Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.
  • Fil 4:22 : 22 Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.
  • 1 Tes 5:26 : 26 ¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.
  • Flm 1:23-24 : 23 ¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah, 24 iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.
  • Cib 13:24 : 24 ¶ Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.
  • 1 But 5:14 : 14 Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 16:8-16
    9 aayado
    92%

    8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.

    9Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.

    10Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.

    11Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.

    12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

    13Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.

    14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

    15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.

    16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.

  • 90%

    25¶ Walaalayaalow, noo soo duceeya.

    26¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

    27Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.

  • 89%

    11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

    12¶ Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo.

    13Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.

    14¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.

  • 87%

    13Waxaa idin soo salaamaya tan Baabuloon joogta oo laydinla doortay, iyo wiilkayga Markos.

    14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

  • 21¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

  • 82%

    18Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

    19¶ Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.

  • Fil 4:21-23
    3 aayado
    81%

    21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

    22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.

    23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.

  • 15¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.

  • Room 16:5-6
    2 aayado
    77%

    5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.

    6Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.

  • 75%

    21¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.

    22Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa.

    23Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.

    24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 3¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

  • 74%

    23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

    24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

  • 14Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.

  • Cib 13:24-25
    2 aayado
    73%

    24¶ Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.

    25¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 37Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,

  • 73%

    16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

    17¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.

    18Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

  • 13¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.

  • 23¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,

  • 2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 18¶ Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

  • 19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.

  • 15Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.

  • 18¶ Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.

  • 23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.