1 Korintos 16:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 16:20 : 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
  • Room 16:23 : 23 Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.

  • 28¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

  • 24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 90%

    16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

    17¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.

    18Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

  • 21¶ Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto quduusiinta oo dhan. Aamiin.

  • 24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

  • 18¶ Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

  • 25¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

  • Ef 6:23-24
    2 aayado
    86%

    23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.

    24Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 85%

    13Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.

    14¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.

  • 25¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • 1 Kor 1:3-4
    2 aayado
    81%

    3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

    4¶ Mar kasta Ilaahay ayaan idiinku mahadnaqaa, nimcadii Ilaah ee Ciise Masiix laydinku siiyey aawadeed.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 15¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 79%

    2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 3Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

  • 12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 33Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.

  • 76%

    20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

    21¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

    22Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.

  • 2Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.

  • 14Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.

  • 14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

  • 16¶ Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,

  • 11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

  • 1¶ Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix. Nimco ha idinla jirto iyo nabadu.

  • 7Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 18Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.

  • 72%

    11¶ Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen.

    12Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay,

  • 20Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

  • 2waxaannu warqaddan u qoraynaa quduusiinta iyo walaalaha aaminka ah ee Masiixa ku jira oo Kolosay jooga. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah.

  • 18¶ Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.

  • 21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

  • 21nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.

  • 5Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.

  • 16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.

  • 2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.