1 Tessaloniika 5:26
¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.
¶ Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
19¶ Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.
20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.
21¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.
11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.
12¶ Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo.
13Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.
14¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.
13Waxaa idin soo salaamaya tan Baabuloon joogta oo laydinla doortay, iyo wiilkayga Markos.
14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.
14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.
15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.
16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
27Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.
28¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
25¶ Walaalayaalow, noo soo duceeya.
21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.
22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.
23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.
15¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.
13¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.
14Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.
24¶ Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.
25¶ Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.
8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.
23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.
24Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.
23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.
24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.
49Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.
18¶ Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
15Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.
16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.
17¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.
5¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba.
12¶ Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;
13oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
37Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,
23¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,
47Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn?
21¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
10Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.
24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.
2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.
12Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,
25¶ Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
1¶ Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro.
17Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.
15Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.