Maahmaahyadii 24:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 20:22 : 22 Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
  • 1 Tes 5:15 : 15 Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
  • Room 12:17-21 : 17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21 Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
  • 2 Sam 13:22-28 : 22 Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay. 23 ¶ Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan. 24 Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah. 25 Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey. 26 Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa? 27 Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan. 28 Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.
  • Xaak 15:11 : 11 Markaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.
  • Maah 25:21-22 : 21 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi, 22 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
  • Mat 5:39-44 : 39 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan. 43 ¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    27Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

    28Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.

  • 79%

    19Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.

    20Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.

  • 22Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.

  • 4Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.

  • Maah 3:27-30
    4 aayado
    76%

    27Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo, Markaad awood u leedahay inaad u samayso.

    28Deriskaaga ha ku odhan, Tag oo soo noqo, Berri baan ku siin doonaaye, Haddii aad markaas haysid.

    29Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

    30Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.

  • 11Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.

  • 17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

  • 64Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.

  • 6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,

  • 74%

    17Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

    18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

    19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • 13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

  • 31Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?

  • 74%

    12Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.

    13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 14Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.

  • 25Waayo, kii xumaan falaa wuxuu dib u heli doonaa xumaantuu falay, waayo, dadka looma kala eexdo.

  • 22Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.

  • 19Waayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaalgudo.

  • 24oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,

  • 19markaas waa inaad ku samaysaan siduu damcay inuu walaalkiis ku sameeyo, oo sidaas waa inaad dhexdiinna sharka uga saartaan.

  • 19Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 1Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

  • 29Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

  • 12Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?

  • 30Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,

  • 8Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.

  • 19Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

  • 31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

  • 18Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 18Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.

  • 15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

  • 12Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.

  • Mat 5:38-39
    2 aayado
    71%

    38¶ Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido.

    39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,

  • 15Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.

  • 16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

  • 3Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

  • 9Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

  • 21Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.

  • 18Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.

  • 4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

  • 24Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.