Ayuub 20:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 20:10 : 10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
  • Ayuub 20:15 : 15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa, Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
  • Ayuub 31:25 : 25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
  • Ayuub 31:29 : 29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,
  • Maah 1:12 : 12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;
  • Ish 24:7-9 : 7 Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan. 8 Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay. 9 Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba. 10 Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin. 11 Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.
  • Yer 11:15-16 : 15 ¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa. 16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
  • Yer 22:13 : 13 ¶ Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,
  • Yer 22:17 : 17 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
  • Yer 51:34 : 34 Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray.
  • Yer 51:44 : 44 Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.
  • Bar 2:16 : 16 Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen, Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay. Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay, Waannu helnay oo waannu aragnay.
  • Yex 7:12 : 12 Wakhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.
  • Hos 8:7-8 : 7 Waayo, waxay beertaan dabaysha, oo dabaysha cirwareenta ah ayay soo goosan doonaan. Hadhuudh taagan ma leh, baalkuna midho ma dhali doono, oo hadduu dhalona, shisheeyaa cuni doona. 8 Dadka Israa'iil waa la liqay, oo haatan waxay quruumaha u dhex joogaan sidii weel aan la doonayn.
  • Hos 9:1 : 1 ¶ Dadka Israa'iilow, farxad ha ku rayraynina sida dadyowga, waayo, waxaad ka tagteen Ilaahiinnii sida naag ninkeeda ka dhillowday, oo waxaad aad u jeclaateen inaad caashaq lacag ku kiraysataan goob kasta oo hadhuudh.
  • Aam 8:4 : 4 Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,
  • Mat 23:13 : 13 ¶ Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.
  • Mat 23:24 : 24 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
  • Yac 4:8-9 : 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya. 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo.
  • Ayuub 20:5 : 5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    19Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.

    20Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn, Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.

    21Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.

    22Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.

  • 10Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.

  • 31Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.

  • 17Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.

  • Bax 22:11-12
    2 aayado
    76%

    11markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.

    12Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.

  • 15Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa, Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.

  • Bax 22:3-6
    4 aayado
    75%

    3Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.

    4Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.

    5¶ Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

    6¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

  • Laaw 6:4-5
    2 aayado
    75%

    4markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,

    5amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.

  • 13¶ Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,

  • 74%

    27Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.

    28Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa, Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.

  • 11Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.

  • 73%

    19Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.

    20Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.

  • 7oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,

  • 73%

    28Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

    29Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

  • 73%

    27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

    28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 35Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.

  • 11Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.

  • 17Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.

  • 21Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.

  • 14Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.

  • 8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

  • 31Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?

  • 72%

    17Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.

    18Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto.

  • 6Kuwan oo dhammu sow isaga kuma halqabsan doonaan? Oo sow maahmaahyo kuma quudhsan doonaan? Waxay odhan doonaan, Waxaa iska hoogay kan urursada wax uusan isagu lahayn! Bal ilaa goorma? Waxaa iska hoogay kan rahaamado isku rara!

  • 5Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.

  • 11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

  • Wacd 5:12-15
    4 aayado
    71%

    12Ninkii hawshooda hurdadiisu waa u macaan tahay, hadduu wax yar cuno iyo hadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisa badanu hurdaduu u diidaa.

    13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

    14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

    15Siduu uurka hooyadiis uga soo baxay ayuu isagoo qaawan ku tegi doonaa, siduu hore ku yimid oo kale. Oo hawshiisa aawadeedna wax uu gacanta ku qaadan karo ma qaadan doono.

  • 20Waayo, isagu aad uma xusuusan doono wakhtigii uu noolaa, maxaa yeelay, Ilaah baa farxad qalbigiisa geliya.

  • 8Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.

  • 29Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

  • 2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

  • 18Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.

  • 13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.