Baxniintii 22:11
markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
12Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.
13Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.
14¶ Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.
15Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.
3Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.
4Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.
5¶ Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.
6¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.
7¶ Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.
8Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.
9Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.
10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,
4markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,
5amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.
34de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
35¶ Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.
36Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
1¶ Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.
2Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,
1¶ Walaalkaa dibigiisa ama laxdiisa oo baxsi ah intaad aragtid waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad walaalkaa u soo celisaa.
2Oo walaalkaagii lahaa hadduusan kuu dhowayn, ama haddaadan isaga aqoon, markaas waa inaad neefka baxsiga ah gurigaaga keentaa oo waa inaad haysaa ilaa uu kuu yimaado walaalkaa oo doondoonaya, oo markaas waa inaad isaga u celisaa.
3Oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa dameerkiisa, iyo dharkiisaba, oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa wax alla wixii walaalkaa ka lumay ee aad adigu heshid. Waa inaadan ka dhuuman.
4Oo iyana waxay yidhaahdeen, Nama aad dulmin, namana aad cadaadin, oo ninnaba gacantiisa waxba kama aad qaadan.
14Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.
11Waa inaydaan waxba xadin, oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin.
31Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
14¶ Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.
22Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
27Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
11Waa inaad dibadda istaagtaa, oo ninkii aad wax deymisay waa inuu dibadda kuugu keenaa rahaamadda.
12Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,
13laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.
2Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.
7oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,
8ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,
26Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,
10Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.
18Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
4Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.
30Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.
16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.
33Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan.
18Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.
19Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.
12Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.
21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.
18Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono.
13Waa inaadan deriskaaga dulmin, waana inaadan waxba ka dhicin. Oo shaqaale aad soo kiraysatay mushahaaradiisu yaanay habeenkii kugu baryin oo kugu gaadhin tan iyo subaxda dambe.
16ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,
27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.