Rooma 12:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 25:21-22 : 21 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi, 22 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
  • Mat 5:44 : 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,
  • Luuk 6:27 : 27 ¶ Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.
  • 2 Boq 6:22 : 22 Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maya, waa inaadan layn. Ma layn lahayd kuwaad ku soo qabsatay seeftaada iyo qaansadaada? Waxaad soo hor dhigtaa kibis iyo biyo ay cunaan oo ay cabbaan, oo dabadeedna ha u tageen sayidkoodii.
  • Bax 23:4-5 : 4 ¶ Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa. 5 Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.
  • Hees 8:6-7 : 6 Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga. 7 Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
  • 1 Sam 24:16-19 : 16 Markii Daa'uud hadalkaas Saa'uul u dhammeeyey ayaa Saa'uulna wuxuu yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Saa'uulna codkiisii kor buu u qaaday oo ooyay. 17 Kolkaasuu Daa'uud ku yidhi, Aad baad iiga qumman tahay, waayo, wanaag baad ii fashay, anse xumaan baan kuugu beddelay. 18 Oo adna maanta waxaad caddaysay sidii aad si wanaagsan iigula macaamilootay, waayo, markii Rabbigu gacantaada igu soo riday ima aadan dilin. 19 Waayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaalgudo.
  • 1 Sam 26:21 : 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Waan dembaabay, wiilkaygii Daa'uudow, iska noqo, waayo, anigu mar dambe wax ku yeeli maayo, maxaa yeelay, maanta naftaydu qaali bay kula noqotay. Bal eeg, waan nacasoobay oo aad iyo aad baan u qaldamay.
  • Sab 120:4 : 4 Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
  • Sab 140:10 : 10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    21Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,

    22Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.

  • 21Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

  • 77%

    17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

    18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.

    19Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Mat 5:42-44
    3 aayado
    74%

    42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

    43¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid,

    44laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,

  • Luuk 6:27-31
    5 aayado
    73%

    27¶ Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.

    28Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.

    29Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.

    30Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

    31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

  • 35Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

  • 10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • Mat 5:38-40
    3 aayado
    70%

    38¶ Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido.

    39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,

    40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa,

  • 9Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

  • 15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

  • 17Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

  • 15Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.

  • 12Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.

  • 20Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo.

  • Bax 23:4-5
    2 aayado
    68%

    4¶ Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.

    5Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.

  • 6¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

  • 29Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

  • 25oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.

  • 12Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,

  • 30Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.

  • 23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

  • 48Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

  • 12Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.

  • 9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.

  • 17Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.

  • 10oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale.

  • 21Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.

  • 23Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado, Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis, Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.

  • 4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

  • 30Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.

  • 15Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.

  • 20Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.

  • 10Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.

  • 58Goortaad cadowgaaga u raacdo xaakinka, intaad jidka maraysaan ku dadaal si aad uga baxsato, inaanu xaakinka kuu jiidin, xaakinkuna askariga kuu dhiibin, askariguna xabsiga kugu tuurin.

  • 10Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.