2 Timoteyos 2:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:14 : 14 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan; waan garanayaa kuwayga, kuwayguna waa i garanayaan,
  • 1 Kor 8:3 : 3 Laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay, Ilaah baa garanaya isaga.
  • 1 Yoox 3:7-9 : 7 ¶ Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay. 8 Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska. 9 Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah. 10 Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.
  • Tir 16:5 : 5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa.
  • Yoox 10:27-30 : 27 Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan. 28 Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda. 29 Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay. 30 Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.
  • Ish 28:16 : 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.
  • Nax 1:7 : 7 Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo wakhtigii dhib jirona waa qalcad, wuuna garanayaa kuwa isaga isku halleeya.
  • Luuk 13:27 : 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.
  • 1 Kor 1:2 : 2 waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah ee Korintos ku taal, kuwa quduus lagaga dhigay Ciise Masiix ee loogu yeedhay quduusiin, iyo kuwa meel kasta jooga oo ku barya magaca Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Rabbigooda iyo keennaba.
  • Muj 3:8 : 8 ¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.
  • Muj 22:4 : 4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda.
  • Muj 2:13 : 13 ¶ Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.
  • Kol 3:5-8 : 5 ¶ Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid, 6 waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada. 7 Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen. 8 Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.
  • Titus 2:11-14 : 11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan, 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • 1 But 1:13-19 : 13 ¶ Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo. 14 Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii; 15 laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada, 16 maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay. 17 Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin. 18 Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka, 19 laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.
  • Ef 4:17-22 : 17 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda. 18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah. 19 Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan. 20 Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran, 21 hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto. 22 Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada;
  • Room 12:9 : 9 ¶ Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • Gal 4:9 : 9 Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?
  • Ef 4:30 : 30 Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada.
  • Ef 5:1-9 : 1 ¶ Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay. 2 Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon. 3 Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo, 4 iyo ceeb, iyo hadal nacasnimo ah, iyo kaftan bilaash ah, oo aan idinku habboonayn, laakiinse waxaa idinku wacan mahadnaqid. 5 Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah. 6 Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada. 7 Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur, 8 haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka, 9 waayo, midhaha nuurku waxay ku wada jiraan wanaag iyo xaqnimo iyo run oo dhan. 10 Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo, 11 oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa;
  • 2 But 3:14 : 14 ¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.
  • Room 9:11 : 11 Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha,
  • Room 11:2 : 2 Ilaah dadkiisii uu hore u yiqiin ma xoorin. Mise ma waydaan aqoon waxa Qorniinku ka sheegayo Eliyaas? siduu Ilaah ugu cawday isagoo reer binu Israa'iil ka cabanaya oo leh,
  • Tir 6:27 : 27 ¶ Oo sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.
  • Ish 63:19 : 19 Oo annana waxaannu kula mid noqonnay sidii kuwa aadan weligaa u talin, iyo sidii kuwa aan magacaaga loogu yeedhin.
  • Ish 65:15 : 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.
  • Yoox 13:18 : 18 Dhammaantiin ka hadli maayo; waan garanayaa kuwaan doortay. Laakiin Qorniinka leh, Kan kibistayda cuna ayaa cedhibtiisa ii qaaday, waa inuu ahaado.
  • Fal 9:14 : 14 halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.
  • Fal 11:26 : 26 markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.
  • Fal 15:17 : 17 Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
  • Room 8:28 : 28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
  • Room 8:31-35 : 31 ¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah? 32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga? 33 Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa. 34 Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga. 35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?
  • Ayuub 28:28 : 28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
  • Sab 1:6 : 6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
  • Sab 34:14 : 14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
  • Sab 37:18 : 18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
  • Sab 37:27-28 : 27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa. 28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
  • Sab 97:10 : 10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
  • Sab 112:6 : 6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
  • Sab 125:1-2 : 1 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta. 2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
  • Maah 3:7 : 7 Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.
  • Maah 10:25 : 25 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
  • Ish 14:32 : 32 Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.
  • Sak 3:9 : 9 Waayo, bal eeg dhagaxa aan Yashuuca hortiisa dhigay, isku dhagax ayaa waxaa ku yaal toddoba indhood. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan xardhi doonaa xaradhkiisa, oo dalkaas xumaantiisana maalin qudha baan ku qaadi doonaa.
  • Sak 4:7-9 : 7 Buurtan weynay, kumaad tahay? Serubaabel hortiisa waxaad ku noqon doontaa bannaan. Oo isna wuxuu soo bixin doonaa dhagaxa madaxa ah isagoo dhawaaqaya oo leh, Ammaan ha u ahaato, ammaan ha u ahaato. 8 Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi, 9 Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.
  • Mat 7:23 : 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
  • Mat 7:25 : 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa.
  • Mat 24:24 : 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
  • Mat 28:19 : 19 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,
  • Mark 13:22 : 22 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
  • Luuk 6:48 : 48 Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay.
  • 1 Yoox 2:19 : 19 Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.
  • Ef 3:15 : 15 kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,
  • Muj 17:8 : 8 Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.
  • Muj 21:14 : 14 Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac.
  • 1 Tim 6:19 : 19 iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.
  • 2 But 1:4-9 : 4 Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka. 5 Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon, 6 aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado, 7 cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl. 8 Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey. 10 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.
  • Cib 6:18-19 : 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal, 19 tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya,
  • Cib 11:10 : 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.
  • Room 15:9 : 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
  • Room 15:20 : 20 Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.
  • 1 Kor 3:10-11 : 10 ¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo. 11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
  • Ef 2:20 : 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.
  • Xag 2:23 : 23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 74%

    20Haddaba kuma jiraan guri weyn weelal dahab iyo lacag keliya ahi, laakiinse waxaa kaloo yaal kuwo qoryo iyo dhoobo ah; oo qaarkoodna wax sharaf leh ayay taraan, qaarna wax aan sharaf lahayn.

    21Sidaas daraaddeed haddii nin iska daahirsho kuwan, kaasu wuxuu ahaan doonaa weel sharaf leh, oo quduus laga dhigay, oo sayidka wax u tara, oo shuqul kasta oo wanaagsan loo diyaariyey.

    22Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah.

  • 18oo ah kuwa xagga runta ka gefay iyagoo leh, Sarakicidda waa horaa la soo dhaafay, oo qaar bay iimaanka ka halleeyaan.

  • 73%

    10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

    11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.

    12Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,

  • 72%

    17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

    18Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.

  • 9Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,

  • 2 Yoox 1:8-9
    2 aayado
    71%

    8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

    9Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.

  • 14Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay;

  • 17Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.

  • 70%

    14¶ Waxyaalahan iyaga xusuusi oo Rabbiga hortiisa ku amar inayan hadal ku murmin, waayo, kaasu faa'iido ma leh, laakiinse kuwa maqla ayuu sii kharribaa.

    15Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada.

  • 15in, haddii aan wax badan raago, aad ogaato sida waajibka ah oo loogu camal fali lahaa guriga Ilaah dhexdiisa, oo ah kiniisadda Ilaaha nool iyo tiirka iyo aasaaska runtaa.

  • 17Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.

  • 69%

    19iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.

    20¶ Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah,

    21oo qaar qirashadeeda aawadeed iimaanka ku gafeen. Nimco ha idinla jirto.

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • 2Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.

  • 10Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.

  • 20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

  • 19Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.

  • 3Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.

  • 12Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.

  • 12¶ Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.

  • Ef 2:20-21
    2 aayado
    68%

    20oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.

    21Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah.

  • 1 Kor 1:8-9
    2 aayado
    68%

    8kan haddana idinku adkayn doona ilaa dhammaadka, inaad eedla'aataan maalinta Rabbigeenna Ciise Masiix.

    9Ilaah waa aamin, kan xaggiisa laydiinku yeedhay xidhiidhka Wiilkiisa Ciise Masiix ee Rabbigeenna ah.

  • 1 But 5:9-10
    2 aayado
    68%

    9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

    10Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.

  • 6Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.

  • 3¶ Haddii nin dadka cilmi kale baro oo uusan u oggolaan hadalka runta ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix iyo cilmiga raacsan cibaadada,

  • 17Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?

  • 5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.

  • 1¶ Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah,

  • 16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.

  • 9Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.

  • 17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 24Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado, isagoo Ilaah la jira.

  • 14iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.

  • 24¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,

  • 10oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.

  • 5iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.

  • 2Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.

  • 13Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.