Falimaha Rasuullada 10:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 15:7-9 : 7 Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan. 8 ¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey; 9 oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey.
  • Ish 48:16 : 16 Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
  • Sak 2:9-9 : 9 Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray. 10 Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa. 11 Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.
  • Mark 16:15 : 15 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.
  • Fal 8:26 : 26 ¶ Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.
  • Fal 9:15 : 15 Laakiin Rabbigu wuxuu ku yidhi, Soco, maxaa yeelay, wuxuu ii yahay weel aan doortay inuu magacayga hor geeyo dadka aan Yuhuudda ahayn iyo boqorrada iyo reer binu Israa'iil;
  • Fal 9:17 : 17 ¶ Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.
  • Fal 13:4 : 4 ¶ Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 10:21-30
    10 aayado
    83%

    21Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen?

    22Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.

    23Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.

    24¶ Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa.

    25Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday.

    26Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.

    27Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;

    28markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;

    29sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen.

    30Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,

  • Fal 11:11-14
    4 aayado
    81%

    11Oo bal eega, markiiba saddex nin baa istaagtay gurigaannu joognay hortiisa, kuwaasoo la iiga soo diray Kaysariya.

    12Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;

    13markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros;

    14kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.

  • Fal 10:16-19
    4 aayado
    78%

    16Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.

    17¶ Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa,

    18waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale.

    19Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa.

  • Fal 10:3-9
    7 aayado
    77%

    3Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow.

    4Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.

    5Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros.

    6Wuxuu marti u yahay nin Simoon la yidhaahdo oo megdeeye ah oo gurigiisu ku yaal badda dhinaceeda.

    7Oo kolkii malaa'igtii isaga la hadashay ka tagtay, wuxuu u yeedhay laba midiidin iyo askari cibaadaysan oo ka mid ah kuwa had iyo goorba u adeegi jiray;

    8oo markuu wax walba u sheegay, ayuu wuxuu u diray Yaafaa.

    9¶ Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad,

  • Fal 10:32-33
    2 aayado
    72%

    32Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal.

    33Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.

  • Fal 10:13-14
    2 aayado
    71%

    13Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun.

    14Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.

  • 10Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.

  • Fal 12:8-10
    3 aayado
    70%

    8Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac.

    9Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay.

    10Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.

  • 21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

  • 6laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

  • Fal 11:7-8
    2 aayado
    69%

    7Oo waxaan maqlay cod igu leh, Kac, Butrosow, gowrac oo cun.

    8Laakiin waxaan idhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn, weligay afkayga ma gelin.

  • 22Hadda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona;

  • 7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

  • Fal 11:3-5
    3 aayado
    68%

    3oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad u tagtay niman aan la gudin, waadna la cuntay.

    4Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.

    5¶ Anigu waxaan joogay magaalada Yaafaa la yidhaahdo oo waan tukanayay, markaas waxaan khilaawo ku arkay riyo oo ahayd weel soo degaya sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood samada lagaga soo dejinayo; wuuna ii soo dhowaaday,

  • Fal 26:16-17
    2 aayado
    68%

    16Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;

    17anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,

  • 7Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.

  • 10Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,

  • 3Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira.

  • 38Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid.

  • 1¶ Haddaba waxaa Kaysariya joogay nin la odhan jiray Korneeliyos, oo taliye u ahaa boqol askari oo la odhan jiray Ciidankii Talyaaniga.

  • 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.